Guddoomiyaha Guud ee Dahabshiil Group iyo Masuuliyiinta Shirkaddaasi waxay Tacsi u dirayaan Geerida Marxuum Xil. Aadan Tarabi Oogle

Marxuum Aadan Tarabi Oogle
Marxuum Aadan Tarabi Oogle

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maamulaha SOMTEL, Siciid Maxamed Siciid, Dahabshiil BOD member, Awil Saalax, Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad,  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Xildhibaan Aadan Tarabi Oogle, oo 22 January 2013 ku geeriyoodey magaalada Hargeisa. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna Ilaahay ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka uu ka baxay, gaar ahaan Golaha Wakiillada oo uu muddo dheer ka tirasanaa; marxuumkana Eebbaheen Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin…………….Aamiin.…………….Aamiin.