Guddoomiyaha Golayaasha Deeganka Somaliland – Qore: Abokor Omar Osman

dicinBerbera waa magaalo kamida magaaloyinka ugu mihiimsan Somaliland , Qarniyadii hore waxay ahay magaaladda Berbera qayb ka mid ah silsilad magaalooyinka dekedda ganacsi oo ay la socdaan ganacsiyada  Soomaalida badankoodu . Waxaa markii dambe noqday caasimadda Maxmiyadii British Somaliland ka 1884 si ay u 1941, Markay taariikhdu ahayd 1960 ayaa ingiriisku u soo  bedelay magaalada  Hargeisa ee Maxmiyadii British Somaliland xornimadeeda ,Waxay ku taallaa istaraatiiji  magaaladu waxay leedahay deked  taariikh qoto dheer leh , Taas oo u adeegta sida dekeddaha  ganacsi ee ugu wayn ee gobolka.

Marka aynu ka yara kacno dhanka cimilada waxay leedahay , xagaaga dheer oo aad u kulul , iyo sidoo kale roobab aad u yar. heerkul sare Celceliska joogto ah ka badnaan 40 ° C (104 ° F) inta lagu guda jiro ku dhawaad ​​afar bilood xagaaga (June, July, August iyo September). kulaylka maalintii on habeen xagaaga waa heer sare ah,

Haddii aan u soo daadago dulucda qoralkaygan magaallada Berberi waa magaalo ka nasiib wanaagsan magaalada caasimada u ah  somaliland ee Hargeisa , Waayo waxaa ay magaaladda Berberi ayaan u heshay inay hesho Gole deegan iyo  mayor aqiibo leh , Golaha deeganka ee Berberi maaha gole uu hankoodu yahay labis sida golaha deeganka ee Hargeisa  balse waa gole umadda u shaqeeya ,Waxaa guddoomiye u ah goleha deeganka ee Berbera Guddoomiyaha  u ah qof hawl kar ah shaqadiisa iyo dheeradba bulshaddiisa u qabta waxaa kale oo uu gudoomiyahaasi nasiib u ehay in helo gole deegan oo hankoodu suudh dhaafsiisan yahay oo la shaqeeya ,Guddoomiye Abdishakuur Maxamuud ciddin waa mayor ku sifoobay hawlkarnimo iyo bulshaddiisa oo uu sifiican ugu adeego waa guddoomiye dadkiisa wax waydiiya oo la tashada markasta  bulshaddiisa  , Waa guddoomiye shaqsiyaddiisu qaalitahay waa qof ilaahay ixtiraan iyo karamayta binu adamku ku manaystay sidoo kale waa shakhsiyad aan islawayni lahayn waana guddoomi ku dayasho mudan markaa aad arragtid sida uu binu adamka ula dhaqmayo ee u qancinayo qofkasta oo binu adam ka mid  ah , Sidoo kale waa guddoomiye u heelan ushaqaynta deegankiisa oo waxaad ka dareemaysaa sida quruxda badan ee ay berberi uga hore martay xaga kaabeyaasha dhaqaalaha sida wadooyinka iyo nadaafada magaallada, Waxay naftu ku odhanaysa marmarka qaar Guddoomiye Abdishakuur malaha Casuumada ayuu ku wacnaa inuu mayor u noqdo , Waxay naftu ku odhanaysa Hargeisa waa maxay habaarkan ku dhacay , Markaad hoos u eegto  Burburka waddooyinka iyo markaad arragto waxqabad la’aanta ku habsatay golihii deeganka ee caasumada waxay naftku ku odhanaysaa  golahan hankooduba miyuuna suudh dhaafsiisnayn oo uuna dhaafaynba  , Golaha deeganka ee Hargeisa iyo duqoodaba anigu waan u bixiyey(Golihii suudhka) , Wacnaan lahaydaa in golaha deeganka ee Berberi ahaan lahaa golihii caasimada sidoo kale Mayor cabdishakuurna haddii uu Hargeisa mayor ka ahaan lahaa Hargeisa sidaa umay eekaateen balse caasumadii waxay noqotay oo ku habsaday niman aanu hankooduba qaad iyo suudh dhaafsiisnayn  Alle hawsahlee , Hadda ba waxaan kula talin laahaa in Mayorka Hargeisa waxa ka barto Mayorka magaalada Berbera oo ah mayor ku guulaystay shaqadii loo doortay iyo gole deegankaee Hargeisa oo iyoguna garanaya muhiimada loo doortay ba  .

 

Qore : Abokor Omar Osman

Canada Ottawa

Abokoromer@gmail.com