Guddoomiyaha Golaha Wakillada oo si weyn loogu soo dhaweeyey Itoobiya lana kulmay madax Itoobiyaan ah iyo kuwo Caalamka ah

Addis Ababa (SLpost)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa socdaal ku jooga dalka Ethiopia ka dib markii uu casuumad rasmi ah ka helay gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Ethiopia oo uu ku casuumay xafladda balaadhan ee maalinta Qoomiyadaha dalka ethiopia oo sanadkan lagu qabtay Ismaamul goboleedka Tigray Caasimadiisa Makale kuna beegan 9-kii December 2011.

Xafladan oo ahayd mid aad u balaadhan waxa lagu casuumay weftiyo fara badan oo ka kala socday wadamada la jaarka ah dalka Ethiopia sida Kenya, Somaliland, DJibouti, SudanSomalia, Rwanda, Brundi, South Sudan, danjirayaasha fadhigoodu yahay Addis Ababa, iyo marti sharaf tiro badan .

Maalintii khamiista 8th December markii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu ka dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Makale,waxa halkaa ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Barlamaanka dalka Ethiopia Mudane Kassa Teklebraham.

Habeenimadiiba kulan casho ayuu Gudoomiyuh kula yeeshay hudheelkii la dajiyay wufuud farabadan oo kala socotay wadamada caalamka kuwaas oo isugu jiray safiiro madax Baarlamaan iyadoo ay in badan isla falanqeeyeen arrimaha Somaliland.

Waxa Subaxnimadii jimcaha 9th December waxa garoonka kubadda cagta ee magaalada Makale xaflad aad u balaadhan oo si la yaab leh loo soo agaasimay taas oo wacdaro ku soo bandhigeen dhamaan qoomiyadaha kala duwan ee dalka Ethiopia. Munaasabasan wax aka soo qayb galay madaxweynaha dalka Ethiopia Ato Girma-Wolde Giorgis iyo Raysal Wasaaraha Ethiopia Ato meles Zenawi.

Gudoomiyaha waxa la Protocol sare iyo soo dhaweyn diiran. Waxa lagu soo dhaweeyey gawaadhida marti sharafta oo ay hor sicdaan mootooyin.

Socdaalkaas Makale ka dib waxa uu Gudoomiyuhu dib ugu soo laabtay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay soo socoto xafaladaha dabaaldegga maalinta qoomiyadaha dalka Ethiopia.

Inta uu joogo Gudoomiyuhu waxa uu la kulmi doonaa madaxda dalka Ethiopia iyo qaar ka mid danjirayaasha fadhigoodu yahay Addis Ababa.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net