Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo la kulmay Dhiggiisa Ururka Jaamacadda Carabta iyo waxyaabaha ay ka wada-hadleen

DUBAI (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) oo maalmihii u dambeeyey socdaal ku joogay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Al-jarwani.

CirroLama oga waxyaabaha ay ka wada-hadleen labada hoggaamiye, haseyeeshee sida lagu sheegay war-murtiyeed kooban oo lagu faafiyey kulanka, waxa ay labada masuul iska xog waraysteen xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo sida oo kale dawladaha Carabta, waxaana uu guddoomiye Cirro uga warbixiyey dhiggiisa Ururka Carabta taariikhda Somaliland laga soo bilaabo markii ay xornimada qaadatay sannadkii 1960-kii ilaa wakhtigan, isaga oo u sheegay inuu yahay dal madax-bannaan oo nidaamka dimuqraadiyadda iyo xisbiyada badan ka hirgaleen.

Waxa uu warku intaas ku daray in guddoomiye Cirro dhiggiisa Ururka Midowga Jaamacada Carabta u sheegay in Somaliland sugayso isla markaana ay weli tabayso taageerada iyo Iskaashiga Jaamacada Carabta.

Sida war-murtiyeedka lagu sheegay guddoomiyaha Baarlamaanka Jaamacada Carabta oo guddoomiye Cirro ku qaabilay Xafiiskiisa ku oo ku yaala magaalada Dubai, waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka dhexmaray dhiggiisa Somaliland, waxaanu ballan-qaaday inuu warbixinta u gudbin doono dalalka Carabta, waxaany labada dhinac u ballameen kulamo kale oo maalmaha soo socda dhexmari doona.

SOMALILANDPOST.NET