Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay, Si weyn loogu soo dhaweyey Magalada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)-  Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleeban nuur) ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera, ka dib markii uu muddo sannad iyo badh uu xaalada caafimaad ugu maqnaa dalka Ingiriiska.


Guddomiye Saleeban ayaa waxa  madaarka ku qaabilay masuuliyiin ka tirsan xukuumada, xildhibaanada labada gole, madaxda xisbiyada iyo dad badan oo isaga kala yimid gobolada iyo degmooyinka dalka.
Saleebaan Maxamuud Aadan mar uu saaxafada Magaalada Berbera hadal kooban ku siiyay , waxa uu sheegay in  uu soo dhamaystay safarkii caafimaad ee uu ugu maqnaa Magaalada London, isla markaana uu bilaabi dooni shaqada golaha Guurtida oo fadhiid noqotay  illaa maamulka Madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegay badhtamihii sannadkii 2010-kii.
Dhanka kale Guddomiyaha ayaa waxa Tuulada Haleeya kaga hortagay Boqolaal baabuur oo u soo galbiyey Dhinca magalada Hargeysa, isaga gurigiisa maglada hargeysa ku degey, waxana halkaasi ku sii sugayey Boqolaal dadweyne ah.