Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Dalka Ku Soo Laabtay

(SL.Post) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur) ayaa dalka maanta dib ugu soo laabtay kadib markii uu muddo safar ugu maqnaa carriga Ingiriiska.

Soo laabashada uu dalka ku soo noqday Guddoomiye Saleebaan ayaa ku soo beegantay xilli abaar darani ka taagantahay dhulka Somaliland, taas oo rer guuraagii miyiga xoolihii ka dhammaadeen dadkiina halis ku jiraan.

Sidoo kale Sicir barar xoogan ayaa kamid ah xaaladaha waddanka ka jira ee ku soo beegmay soo noqodka  Guddoomiyaha Guurtidu.

Balse arrinka ugu muhiimsan ee shacbigu u dhegtaagayaan ayaa ah muddo xileedkii Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo ay wakhtiga u hadhay aanu ka badnayn bil marka loo tiriyo labadii sanno ee muddo kordhinta ahaa.

Saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda ayaa iyana ku heshiiyay in aanay doorashadu qabsoomayn wakhtigeedi oo ahaa 28-March, balse lama garan karo muddada ay Golaha Guurtidu u kordhin doonaan, waxaana la ogaan doona maalmaha soo socda talaabada ay Guddoomiye Saleebaan iyo Golihiisa Guurtidu qaadaan.

 

Somalilandpost.net