Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Beeniyay Inuu Casilayo

Hargeysa  (SL.Post) Guddoomiyaha a gobolka togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), waxa uu beeniyay inuu iska casilay xilka masuuliyada gobolka  Togdheer.

 

 

 

“Waad mahadsan tihiin warbaahintiina ila soo xidhiidhay,lakiin waa nasiib darro in warbaahinta qarkood ay faafiyaan warar been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo waxa dhagahayga kusoo duulayay in warbaahinta qarkood qoreen inaan istiqaalad u gudbiyay madaxwaynaha somaliland taasina ma jiraan warbaahinta daabacaysa taasina waxaan leeyahay waxay ku tahay warbaahinta somaliland dhabarjab” ayuu yidhi gudoomiye Qabo

 

 

 

 

Guddoomiyaha gobolka Togdheer oo warbaahintu waydiisay inuu ka gaws adaygay inuu xilalka u kala wareejiyo xoghayihii hore ee gobolka togdheer iyo ka cusub,isla markaana gobolka kaga maqan yahay cadho, waxa uu kaga jawaabay” Anigu duudmo kagama maqni magaalada burco ee waxaan ku maqanay hawlo shaqqo,xoghayaha cusub iyo kii horena  insha allah waxaan u kala wareejin doona xilalka markaan imaado.”

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa