Guddoomiyaha Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Caruur Ay Laascaanood Ku Qabteen Oo Waalidkood Lagu Aamini Waayay

Laascaanood(SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide,ayaa ka hadlay saddex caruur ah oo ay hayaan xarunta maamulka gobolka Sool, kuwaasi oo laga qaaday magaalada Hargeysa loona waday oo loo geynayay aabahood oo jooga Boosaaso.

Waxaanu guddoomiyaha gobolka Sool intaa ku daray in aan caruurta la soo xadin laakiin waalidka dhalay oo kala tegay awgood ay Hargeysa caruurta ugu haysay aabbaha dhalay gabadh ay walaalo yihiin oo Hargeysa degan laakiin uu caruurta aabbohood oo laacsaanood jooga ku yidhi iisoo dir caruurtayda iyana sidaa ay gaadhi ugu soo saartay. Waxa kale oo uu Guddoomiyaha gobolka Sool intaa ku daray in ay xidheeen dirawalkii gaadhiga baska ah waday iyo nin loo soo dhiibay saddexda qof ee caruurta ah.

Guddoomiyaha gobolka Sool waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay wargeyska DAWAN, isagoo ku sugan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

“Horta caruur la soo xaday oo aanu qabanay ma jirto ee yaan dadka shaki iyo cabsi lagu beerin oo aan dalka laga dhigin in ay ka jirto tuugo caruurta xaddaa, saddexda caruurta ahina waxay kala yihiin laba wiil iyo gabadh waxaana ugu weyn gabadha oo lix jir ah labada wiilna waa afar jir iyo saddex jir. caruurta labadoodii waalid way kala tageen waxaanay joogeen Boosaaso, Caruurtana waxaa Hargeysa ku haysay gabadh ay ninka caruurta dhalay walaalo yihiin,markaa ninkaa caruurta dhalay ayaa walaashii ku yidhi caruurtayda ii soo dir oo basaska ii soo saar, inantiina waxay Caruurtii soo saartay gaadhi bas ah waxaanay ku soo balamisay nin baska la socday oo rakaabka ka mid ahaa in uu u geeyo caruurta aabbohood,”ayuu yidhi Guddoomiye Shide.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “ Markii ay ciidanku baskan arkeen sida caruurta aan waalidkood la socon way qabteen waxaanay waydiiyeen sababta caruurta loo soo qaaday iyo cidda wadday ee soo kaxaysay. Intaa ka dibna waxay noo sheegeen sidii ay u soo qaadeen caruurta iyo in waalidkood gaar ahaan aabbohood loo geynayo oo Boosaaso jooga intaa ka dib waxaanu xidhnay dirawalkii gaadhiga waday iyo ninkii loo soo dhiibay caruurtaba kadibna waxaanu u yeedhnay labadii qof ee caruurta dhalay ee Boosaaso joogay waanay noo yimaadeen. laakiin waxaa noo cadaatay in aanay ahayn labada qof ee caruurta dhalay ee kala tegay laba qof oo caruur lagu aamini karo. Intaa ka dib waxaanu ku nidhi noo keena cid kale oo ehelkiina ah oo caruurtan masuuliyadooda qaadi karta waanan u diidnay in aanu ku wareejino hooyada iyo aabbaha dhalay saddexdan caruurta ah ee kala tegay oo ay nooga muuqato in ay yihiin dad qayrul masuul ah oo aan caruurta lagu aamini karayn.”

Guddoomiye Yaasiin Maxamed Shide oo ka hadlayay cidda ay caruurta u dhiibayaan,ayaa yidhi. “Caruurta waxaanu ku wareejinaynaa gabadha dhashay hooyadeed oo joogta Burco caruurtana ayeeyo u ah sidaana waxaanu u yeelaynaa in aanay dayacmin caruurtu oo ay helaan cid masuuliyadooda si rasmi ah u qaadi karta.”.

 

 Xigasho Dawan