Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo Suxuufiyiinta ka hawl-gala gobolkaas ugu hanjabay inaanay ka hawl-galayn haddii aanay isaga ruqsad ka haysan

Berbera (SLpost)-Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay inuu ruqsad iyo liisan ku soo rogi doono Suxufiyiinta ka hawl-gala magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil waxa uu hadalkan hanjabaadda ah ka sheegay mar uu todobaadkii hore Warbaahinta kula hadlayay madaarka magaalada Berbera, halkaasi oo ay koox suxufiyiin ahi u tageen soo dhawayntii weftigii madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dalka ku soo guryo-noqonayay.

“Waxaan idiin sheegayaa in aan dhawaan ragga suxufiyiinta gobolka Saaxil ka hawl-gala aan ku soo rogi doono liisan oo aanu ka hawl-geli Karin in mid aan waraaq ogolaansho ah iyo liisan aan ka qaadan maamulka gobolka,”ayuu Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ku yidhi koox suxufiyiin reer Saaxil ah oo madaarka u joogay soo dhawaynta weftigii qaran ee madaxweynaha Somaliland Hoggaaminayay.

Guddoomiyuhu wuxuu Suxufiyiintii halkaasi joogtay u soo jeediyay hadallo isugu jiray handidaad, hanjabaad iyo cago-juglayn, isaga oo tilmaamay inuu si adag ula xisaabtami doono.

Mid ka mid ah suxufiyiintii ka tagay magaaladda Hargeysa oo goobtaasi ku sugnaa ayaa ugu jawaabay. “Guddoomiye, waxa warbaahintu ay ogolaansho sharciya ka qaateen wasaaradda warfaafinta iyo Xeer-ilaalinta Guud ee qaranka ee maxaa kalifaya inaad ogolaansho siiso?”

Mr. Ramaax waxa uu si cadho leh ugu hal-celiyay suxufigaasi, “Adeer Anigu gobolka aan masuulka ka ahay ayaan ka hadlayaa ee Hargeysa kama hadlayo. Nin suxufiya oo aan iga haysan qoraal ogolaansho ahina kama shaqayn doono halkan (Berbera).”

“Ogolaansho waxa imika iga haysta oo qudha C/Kariim Siciid Saalax (Wakiilka Horn Cable) iyo Mukhtaar C/Raxmaan (Weriye Ka tirsan TV-ga Qaranka) inta kalena waan ku soo rogayaa,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxil.

Suxufiyiintii  ka hawl-gala gobolka Saaxil ayaa inta badan kaga Cawda Guddoomiyaha gobolaka Saaxil inuu ku hayo hanjabaad aan kala go’ lahayn iyo cago-juglayn uu ku faro-gelinayo shaqadooda.

Source:  SOMALILAND.ORG