Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo ka hadlay Shaqaaqadii ka dhacday Xariirad, Baaqna u Jeediyey Shacabka Dirirtu Dhexmartay

Borama (SLpost)- Guddoomiyaha  dhawaan loo magacaabay Gobolka Awdal Md Cabdoo Aayar, ayaa ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday tuulada Xariirad, waxaanu sheegay in maamulka gobolku uu ka shaqeynayo ilaalinta iyo xoojinta nabad-gelyadda.

Guddoomiyaha oo maanta warbaahinta la hadlayay, waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatada dhexmaray shacabka walaalaha ah ee wada-deggen gobolka Selel, waxaanu yidhi isaga oo arrimahan ka hadlaya, “Waxa aan aad uga xumahay wixii ka dhacau Xariirad todobaadkan, waxaan aad uga xumahay dhimashada ay sababtay arrinta, waxaan aaminsan nahay in dadka ku nool Awdal iyo Salal ay yihiin dad walaalo ah oo ood-wadaag ah oo ay dano badani ka dhexeeyaan oo aanan sinaba u kala tagayn.”

cabdoo axmed aayeGuddoomiye Aayir waxa uu sheegay inuu ahmiyadda siinayo ilaalinta nabad-gelyadda Gobolka, “Waxaan mudnaanta siinayaa mar walba dhinaca nabadgalyada, waxaanan diyaar u ahay inaan nabadgalyada ka shaqeeyo gabi ahaanteedba,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Gobolka Awdal waa meel ku caan ah nabadgalyada, waa meeshii Somaliland lagu dhisay waa meel dadkeedu ay nabadda u hoggaansan yihiin isla markaana uu ka hano qaaday horumar balaadhan oo dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo guud ahaan nolosha ah. Sidaasi oo ay tahay waxaan diyaar u ahay inaan nabad-galyada mudnaanta siiyo aniga ogsoon inaanan kaligay waxba qaban karin balse aan u baahan nahay in la ogsoonaado taageerada dadka reer Awdal.”

Badhasaabka Awdal waxa uu haweenka ku booriyay inay ka qayb qaataan ilaalinta Nabad-gelyadda, “ Haweenku waa kuwa dal dhisa ama dumiya, waa kuwa raga colaada ama nabadgalyada ku dhiiri galiya, waxa aan uga socdaa oo aan ku boorinayaa haweenka reer Awdal inay ka shaqeeyaan nabadgelyada,” ayuu yidhi Md Aayir oo haween weynaha gobolka Awdal munaasibadda 8 March ugu hambalyeynayay.

SOMALILANDPOST.NET