Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee UCID oo maanta Xabsiga loo taxaabay iyo Masuuliyiinta Xisbiga oo ka hadlay

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa si adag u cambaareeyey xadhig Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo maanta Xabsiga ugu taxaabtay Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbigaas Marwo Xaliimo Cismaan Raage oo maanta laga qabtay iyada oo ku sugan Meherad ay ku leedahay Suuqa Waaheen ee badhtamaha Hargeysa.

Xaliimo Cismaan RaageIlaa immikana lama Oga Sababta ka dambaysa xadhiggeeda, haseyeeshee Xaliimo Cismaan Raage, ayaa ka mid ah xubnaha ugu fir-fircoon Xisbiga UCID ee inta badan dhaliila nidaamka maamul ee Xukuumadda Xisbiga Kulmiye

Ciidamo boolis ah oo uu soo diray Taliyaha Saldhigga Dhexe ee magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay inay ugu tageen meheraddeeda isla markaana ay khasab ugu kaxeeyeen Saldhigga,

muj yusuf foosto iyo Xoghaye YuusufXoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdilaahi iyo Mujaahid Yuusuf Xasan Liibaan (Yusuf Foosto) oo ka tirsan Xisbiga, ayaa si adag u cambareeyey xadhigga lagula kacay Guddoomiye Xaliimo Cismaan, iyaga oo sheegay in Taliyaha Saldhigga Dhexe u xaqiijiyey in Amarka lagu xidhay Marwo Xaliimo Cismaan Raage uu kaga yimi madaxda ka sarreysa, isla markaana aanu wax ka war ah ka haynin sababta Xadhiggeeda, taas oo iftiimisay inay Xukuumadda Dhexe ka dambayso Xadhigga lagula kacay Xaliimo Cismaan Raage.

DHEGAYSO HADALKA MASUULIYIINTA UCID

Somalilandpost.net