Guddoomiyaha Dahabshiil X. Maxamed Siciid oo Tacsiyeynaya Geerida Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R&ME Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R& ME, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maamulaha SOMTEL, Cawil Saalax, COO-ga SOMTEL Axmed Cabdullaahi Caynaanshe,  Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadaha Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii, bahda suugaanyahannada iyo fanka,  iyo dhammaan ummadda af Soomaaliga ku abtirsata ee uu ka baxay marxuum Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” , oo dhowaan ku geeriyoodey dalkaNorway. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Somaliland iyo Soomaaliyeedba; marxuumkana Jannadii  Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.