Guddoomiyaha Dahabshiil Group Oo Tacsi u diraya Geerida naxdinta leh ee ku Timi Qoyska Ilma Aw-Siciid

Hargaysa(SLpost)Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R&ME Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R& ME, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maamulaha SOMTEL, Jaamac Moxamuud Cigaal, COOga SOMTEL

 

tacsiAxmed Cabdullaahi Caynaanshe,  Maamulaha DBI, Xirsi Dirir, Saciid Maxamed Saciid, BOD Member  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadeennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadaha Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan Maxamed Siciid Geeddi, Guddoomiyaha SOMCABLE,  guud ahhaanba qoyskii, qaraabadii, asxaabtii  iyo dhammaan shacbiga Somaliland oo uu ka baxay marxuum Maxamuud Siciid Geeddi , oo  ku geeriyoodey shil baabuur oo ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa 19 November 2013. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Somaliland; marxuumkana Jannadii  Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo Sidoo kale waxa tacsi taa la mid ah la gaadhsiinayaa dadkii kale ee shilkaasi baabur ku geeriyoodey iyo eheladoodii, iyada oo inta ku dhaawactayna Ilaahay looga baryayo inuu caafimaad waafi ah siiyo. Aamiin. Aamiin.

Hassan M Jama “Heiss”
Public Relations & Media
Dahabshiil Operations Center
Tel. +47 6705 9884 (Office); +252 7 9100001