Guddoomiyaha Cusub ee Togdheer oo Si ballaadhan loogu Qaabiley Burco, Berri-na Xilka la wareegaya

Burco (SLpost)- Guddoomiyaha dhawaan loo magacaabay gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje) oo maanta socdaal ku tagay xarunta gobolkaas ee Burco, ayaa soo dhawayn ballaadhan kala kulmay dadweynahaa magaaladaas.

Guddoomiye Xamarje oo Berri la wareegaya xilka badhasaabka Tog-dheer, ayaa waxa duleedka magaalada Burco si diirran ugu soo dhaweeyay Maayarka Burco Maxamed Muraad, Guddoomiye ku-xigeenka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle), Taliyaha qeybta Booliska Togdheer Maxamed Faarax, masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolka, madax-dhaqameed iyo dadweyne tiro badan.

Xamarje_Burco2

Ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Tog-dheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) oo madasha soo-dhawaynta guddoomiyahooda ka hadlay, ayaa sheegay inuu Badhasaabka cusub si niyadsami ah ugu soo dhaweynayaan gobolka Tog-dheer, isaga oo ballan-qaaday inay si ballaadhan ula shaqeyn doonaan badhasaabka cusub.

Maayarka Burco Maxamed Muraad ayaa isaguna ballan-qaaday inay Gole deegaan ahaan la shaqeyn doonaan maamulka cusub ee gobolka, isaga oo xusay inay ku faraxsan yihiin in badhasaabka cusubi maanta soo gaadho magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay madax-dhaqameed kala duwan kuwaas oo iska daba-maray sida ay ku faraxsan yihiin guddoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay isla markaana ay kala shaqeyn doonaan dhinacyada maamulka iyo nabad-gelyada.

Xamarje_BurcoGuddoomiyaha cusub ee Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) ayaa isaguna mahad-naq ballaadhan u jeediyey madaxda gobolka iyo degmada Burco, madax-dhaqameedka iyo dadweynaha ku soo dhaweeyey gobolka Tog-dheer, isaga oo xusay inuu ka filayay reer Togdheer soo-dhawaynta ballaadhan ee lagu qaabilay.

Guddoomiye Xamarje oo laga beddelay gobolka Maroodijeex, ayaa lagu wadaa inuu Berri xilka kala wareego badhasaabkii hore ee Togdheer Cabdi Axmed Aayir oo shalay xilka kala wareegay guddoomiyihii hore ee gobolka Awdal Axmed Sidci oo madaxweyne Xilka ka qaaday.