Guddoomiyaha cusub ee hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Xilkii la wareegay

Hargeysa, 18 March, 2012 (SLpost)- Munaasabad ay xilka kula kala wareegayaan Gudoomiyahii & Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Shaqaalaha dawladda iyo Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Cusub ayaa maanta ka dhacday xarunta Hay’ada Shaqaalaha dawlada.

Kulankaas xilwareejinta ah waxa ka qayb-galay Wasiirka sii haysa xilka wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Marwo Ilhaan maxamed Jaamac, Xoghayaha Golaha Guurtida Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda, Madax kale oo ka tirsan hay’adaha dawladda iyo Marti sharaf kale oo lagu soo casuumay.

Munaasabadda oo ay xilka kula kala wareegeen Gudoomiyahii hore ee hay’ada Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil iyo Gudoomiyaha Cusub Nuux Sh Muuse Ducaale ayaa ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyahii Hore ee hay’adda oo Mahadnaq u jeediyey Madaxweynaha JSL, shaqaalaha hay’adda Shaqaalaha iyo  ka soo qayb galayaasha xafladaasi, isagoo raaciyey inuu ku Qanacsan yahay xil ka qaadista lagu sameeyey, xilkana uu ku wareejinayo gudoomiyaha cusub ee madaxweynuhu soo Magacaabay.

Mudane Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil oo warbixin kooban ka jeediyey aasaaskii hay’adda shaqaalaha dawladda waxa uu xusay in Xeer madaxweyne lagu aasaasay sanadkii 1993-kii, ayna ka mid tahay afarta hay’adood ee dastuuriga ah ee ku xusan qodobada xeerka dawlada Somaliland.

Mudane Muxumud aw Cabdi Ismaaciil waxa uu tibaaxay in hay’ada shaqaalaha dawladdu uga wakiil tahay Qaranka arrimo ay ka mid yihiin Jaangoynta iyo qaab dhismeedka hay’adaha dawlada, Dib u eegista iyo wax ka bedelka xeerka shaqaalaha Dawlada, oo u kala baxaya qaybo badan.

Gudoomiyaha Cusub ee hay’ada Shaqaalaha dawlada Nuux Sh Muuse Ducaale oo isna munaasabadaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ugaga mahadceliyey Gudoomiyahii hore iyo shaqaalaha hay’ada shaqadii ay soo qabteen, waxuuna ku ballanqaaday inuu sii wadi doono hawshii qabyada ahayd ee hadhsanayd.

Gebagebadii Xafladaasi waxaa xilalkii ay hayeen wareejiyey Gudoomiyahii iyo Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Hay’ada shaqaalaha dawladda, iyadoo Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka cusub-na ay xilalka gudoomeen.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net