Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Selal oo Xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore

Saylac (SLpost)- Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Selal Nuur Cismaan Guuleed ayaa si rasmi ah maanta xilkii ugala wareegay Gudoomiyihii hore ee gobolkaas Maxamed Muuse Bucul.

Xil Wareejintan Oo Ka Dhacday Hoolka Xarunta Maamulka  Gobolka, Waxaana Goob Joog U ahaa Wasiir Ku-Xigeenka Amniga Ee Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Abokor Cismaan, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Macadanta Iyo Biyaha,Agaaasime Waaxeedka Nabadgelyada Ee Wasaarada arimaha Gudaha,Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Salal, Gudoomiyaha Degmada Saylac,Xildhibaano iyo Marti Sharaf Kaloo Badan.

Wasiir Ku Xigeenka Amniga Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane C/laahi Abokor Cusmaan ayaa sheegay in xilka qaranku uu yahay meerto isla markaana marba qofkii loo garto loo magacaabo waxa uu Wasiir ku xigeenka amnigu u soo jeediyay mas’uuliyiinta laamaha dawladu inay Gudoomiyaha  cusub ku garab galaan xilka loo magacaabay.

Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul ayaa Ka waramay Mudadii Uu Xilka Hayay Wixii U Qabsoomay Sidoo Kale Waxa Uu Ku soo Dhaweeyay Gudoomiyaha Cusub Ee Xilka Kala Wareegaya Mudane Nuur Cusmaan Guuleed oo uu ilaahay uga baryay inuu  u fududeeyo mas’uuliyada culus ee loo igmaday.

Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Salal Nuur Cusmaan Guuleed  ayaa uga mahad celiyay Gudoomiyihii hore sida milgaha leh ee uu xilka loo soo magacaabay ugu wareejiyay waxaanu balan qaaday inuu si daacadnimo leh u gudan doono.

Sidoo Kale Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Macdanta Iyo Biyaha Saciid Axmed Jibriil.

Gabagabadii  Waxaa Xafladaasi Ka Hadlay  Isla Markaana Xilkii U Kala Tiriyay Labada Gudoomiye Ee La Kal Wareegaya Xilka Wasiir Ku Xigeenka Amniga Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane C/laahi Abokor Cusmaan.

SLpost News/Hargeysa