Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sanaag iyo wefti uu hoggaaminayo oo Socdaal xaqiiqo raadin ah ku maraya Deegaannada gobolkaas

Ceerigaabo, 04 February, 2012 (SLpost)- Gusdoomiyaha Gobolka Sanaag  Aaden Diiriye Cigaal iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd gaadhay deegaanka dogoble ee gobolka Sanaag .

Weftiga gudoomiyaha cusub oo maalmahanba kormeer ku marayey deegaamo ka tirsan gobolka ayaa waxay socdaalkooad ku mareen  deegaammada ay ka mid yihiin Ceel Afweyn, Yufle, Gumo-biyocas iyo Jiidaha ku teedsan.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag  Aaden Diiriye Cigaal ayaa deegaamada uu marayay waxa uu dadweynaha ku dhaqan uga waramay ujeedada socdaalkiisa oo uu ku sheegay inuu la xidhiidho u kuurgelida iyo wax ka ogaanshaha xaalada dhabta ah ee ka jirta deegaamada kala duwan ee gobolka Sanaag,Fidinta Maamulka dawlada,Adkaynta Nabadgalyada, iyo in meel looga soo wada jeedo difaaca dalka.

Weftiga uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa saaka ka soo ambo baxay deegaanka  Shalcow oo ay xalay u hoydeen.

Weftiga Gudoomiyaha Gobolka Sanaag waxa xubno ka ah Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolkaas,Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Gobolka Sanaag ,Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka  gobolka Sanaag,Isu duwaha Wasaarada Kalluumaysiga iyo Saraakiil ka tirsan Wasaarada Maaliyada.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net