Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo Sharraxay Qorsheyaal Xukuumaddu Kor ugu Qaadayso Bilicda Faras-magaalaha Hargeysa

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa sharraxay qorshaha Xukuumadda uga meel-yaalla Horumarinta iyo Kor-u-qaadista Bilicda Faras-magaalaha caasimadda dalka ee Hargeysa.

Guddoomiye Cali Ibraahim oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi ku dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Keydka Taariikhda Qaranka oo laga hirgelinayo dhismihii hore ee Kheyriyada oo ku yaala Badhtamaha caasimadda, waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan u qorshaysan tahay sidii ay faras-magaalaha Hargeysa uga hirgelin lahaayeen dhismeyaal waaweyn.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay bilicda badhtamaha suuqa Hargeysa mustaqbalka noqon doonto meel la mid ah deegaanka Manhattan ee badhtamaha magaalada New York oo ah goob ay ka dhisan yihiin dhismeyaal dhaadheer oo xarun u ah shirkadaha ganacsiga ee dalka Maraykanka qaarkood.

HADALKA GUDDOOMIYE BAQDAADI KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE