Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo Booqday Xarrunta Baarlamaanka Jigjiga

Gudomiyaha Barlamanka Jigjiga Maxamed Rashiid Isaaq Oo ka hadlay Booqashadda Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ku Tagay Xaruunta Barlamanka Jigjiga ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan

“ Runtii Maanta Farxad Wayn Noo Tahay Maadama Gudomiyihii Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Wadani C/Raxmaan Cirro Nagu Soo Booqdo Magalada Jigjiga Gaar ahaana Xaruunta Barlamanka,Runtii Waanu ku soo Dhawaynaynaa Gudomiye Waxaad Timi Dalkagii.Guud ahaanba Xubnaha Barlamanka Dowlad Degaanku Gacmo Furan ayay Kugu Soo Dhawaynayaan Gudomiye Waxaananu Jecel Nahay in Aanu Xoojino Xidhiidhka ka Dhaxeeya Barlamanka Dowlad Degaanka Somalida  iyo Barlamanka Somaliland” Ayuu Yidhi Gudomiyaha Barlamanka Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia

Dhankiisana Gudomiyaha Barlamanka ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa amaan Baladhan usoo Jeediyay Madaxda Dowlad Degaanka Somalida EthiopiaTalabsatay Dowlad Degaanku Waanan Bogadinayaa Horumarkaasi Waxanan Rajaynayaa inuu Halkaasi ka Sii Socon Doono.Mudada Aanu ku Sugan nahay Halkani Waxaanu Booqan Doona Dhamaanba Xafiisyada Dowlada Qaybahooda Kale Duwan si Aanu usoo indha indhayno Horumarka Dowlad Degaanka Somalida.Runtii Mudada Aan Joogo Magalada Jigjiga Waxaan ka Kulmi Donaa Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Oo Aanu ka Wada Hadli-Doono Sidii Kor Loogu Sii Qaadi Lahaa Xidhiidhka ka Dhaxeeya Somaliland iyo Dowlad Degaanka” Ayuu Yidhi Gudomiye