Guddomiyaha Gudida Imtaxaanaadka Qaranka oo Kormeer ku saabsan Imtixaanka Shahaadiga ah ku Maray Dugsiyada Hoose/Dhexe Iyo Sare Ee Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo (SLpost)- Gudomiyaha Gudida Imtaxaanadka Wasarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Jamhuuriyada Somaliland Daa’Uud Ahmed Faarax Oo Kormeer Shaqo Ku Jooga Magaalada Madaxada Gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo Ayaa Maanta Kormeer Kusoo Gaala Bixiyay Fasalada Afraad Ee Dugsiga Sare Ee Xajji Aadan Iyo Fasalada Sideedaad Ee Dugsiyada Hoose Dhexe  Daallo Surud Iyo Jeembar Ee Magaalada Ceerigaabo.

Waxaana Guddomiyaha Gudida Imtaxaanadku Mudadii Uu Kormeerkiisa Ku Guda Jiray  Uu Ardayda Uu  Booqday Uu Faahfaahin Ka Siiyay Xilka Iyo Waajibaadka Xafiiska Imtaxaanadku U Xilsaaran Yahay Iyo Weliba Hanaanka Imtaxaanka Loo Soo Diyaariyo  Iyo Sixitaankiisaba Isagoona Cadeeyay In Imtaxaanka Lagu Qaado Hab Cadaalad Iyo Sinaan Ay Ku Dheehan Tahay.

Waxana Uu Kale Oo Uu Gudomiyuhu Ardayda Hoga Tusaaleeyay Khaladaadkii La Galay Imtaxaanadi Hore Ee Shahaadiga Ahaa Iyo Sida Loogu Baahan Yahay In Ardaydani Ay Uga Digtoonaadaan.

Ardayda Fasalada Afraad Ee Dugsiga Sare Ee Xajji Aadan Iyo Ardayda Fasalada Sideedaad Ee Dugsiyada Hoose Dhexe Ayaa Halkaasi Gudomiyaha Ku Waydiiyay Su Aalihii Xaganayay Ee Ku Wajahnaa Hanaanka Imtaxaanka  Shahaadiga Ah  loo qaado.

Waxana Gudomiyuhu Halkaasi Si Waafi Ah Ugaga Jawaabay Dhamaanba  Su’Aalahi Ardaydu Waydiiyeen.

Gudomiye Ku Xigeenka Wasarada Waxbarasahda Gobolka Sanaag Axmed Ciise Cabdi Ayaa Isna Dhankiisa Ka Mahad Celiyay Kormeerka Gudomiyaha Gudida Imtaxaanadku Uu Ku Yimi Gobolka Sanaag Iyo Sida Uu U Fuliyay Codsigii Ardayda Imtaxaanka Shahaadiga U Fadhiisanayaa Sanadkan Ay Kaga Dalbadeen Inu Gobolka Yimaado.

Kormeerkan Gudomiyaha Gudida Imtaxaanadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax Ayaa Waxa Uu Qayb Kayahay Kormeero Uu Ardayda Gobolada Dalka Ee Ufadhiisanaya Imtaxaanka Shahaadiga Ah Ee Sanadkan Uu Ugu Iftiiminyo Habsami U Socodka Iyo Hanaanka Imtaxaanadka Loo Geli Doono.

DAAWO VIDEO