Guddiyo ka tirsan Wakiillada oo xaqiiqo-raadis ugu maqnaa Gobollada laga soo doortay oo Golaha uga warbixiyey Xaaladaha Guud ee Deegaannada ay booqdeen

Hargeysa, 31 January, 2012 (SLpost)- Laba Gudi oo ka mid ah golaha wakiilada oo kormeero shaqo ku soo maray mudadii ay fasaxa ku jireen deegaamadii laga soo doortay ee Saaxil iyo Saraar ayaa maanta gole weynahooda warbixin ka siiyay xaaladaha guud ee nabadgalyada, Nololeed ee jiidaha kala duwan ee ay safarka ku soo gaalaa-bixiyeen.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” oo Shir gudoominayay  Fadhigan ayaa sheegay in iyadoo laga duulayo Ajandaha Kalfadhigoodan 17aad ay gudiyada golaha ka dhagaysan doonaan wixii warbixino ah eek u aadan nolosha bulshada.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo u hadlayay weftiga booqday gobolka saraar ayaa tilmaamay baaxada dhuleed ee gobolkaasi ku fadhiyo iyo duruufaha ku xeeran hay’adaha amniga ee Gobolkaasi ka jira isagoo xusay in ciidanka booliska ee  gobolkaasi ka hawl gala ay dhibaato ka haysato dhinacyada gaadiidka,dirayska, daawo la’aan iyo Saldhig la’aan.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale waxa uu xusay in gobolka saraar uu ka madhan  yahay dhamaanba adeegyada aasaasiga ah ee halbawlaha u ah nolosha aadamaha taas oo ay werwer balaadhan ku haysa ayuu yidhi bulshada ku dhaqan deegaanada kala gedisan ee gobolkaasi.

Mar uu ka hadlayay xaalada garsoor iyo waxbarasho waxa uu xildhibaanku nuuxnuuxsaday inay socdaalkooda ku ogaadeen baahi dhinaca garsoorka ah oo gobolkaasi ka jirta isagoo intaas ku daray in ay gobolkaasi ku yaalaan laba dugsi sare kuwaas oo aan buuxin Karin ayuu yidhi baahida waxbarasho ee shacbiga gobolka Saraari u ooman yihiin.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale waxa uu warbixintan kaga hadlay oo kale xaalada dhinaca biyaha,Mashaakilaadka dhulka iyo waxyaabaha u baahan wax ka qabasho deg deg ah.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudi hoosaadka arrimaha gudaha nabadgalyada iyo difaaca ee Golaha Wakiilada isla markaana hogaaminayay weftiga ka socday golaha wakiilada ee socdaalka ku soo gaalaa bixiyay jiidaha  gobolka Saaxil Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa tilmaamay in xaalada Nabadgalyo ee gobolkaasi ay aad u wanaagsan tahay waxaanu mudanuhu cadeeyay in isku dhacyada dhinaca dhulalku ay inta badan sabab u noqdaan dhimasho iyo dhaawac .

Mudane Siciid Cilmi rooble waxa uu xusay in hawlaha dhinaca caafimaadku aanay sidii la rabay u shaqayn isla markaana ay gobolkaasi carqaladi ka haysato wadooyinka oo ay shilal badan oo khasaare nafeed sababaa uu ka dhaco, mar uu ka hadlayay xaga waxbarashada waxa uu ku tilmaamay mid liidata iyadoo aanay joogin ayuu yidhi macalimiin daboola baahida waxbarasho ee gobolkaasi taala waxaa kale oo uu intaas ku daray in tirada ciidanka booliska ee gobolkaasi ku sugani ay aad u yar yihiin .

Xildhibaanku waxaa kale oo uu warbixintiisa ku faahfaahiyay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin horumarka gobolka,arrimaha doorashooyinka,deeqaha amase mucaawinooyinka,Macdanta Gobolka,iyo weliba talo soo jeedin gudidoodu ay ka dalbadeen golaha wakiilada inay ka gacan siiyaan gobolka Saaxil oo dhinaca cimilada kaga duwan gobolada kale.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net