Guddii Diwaan-Gelinta Ee Waqtigoodu Dhamaaday Oo Komishankii Qaranka Ku Qabsaday Xilkii ay Loo Igmaday iyo Dareenka ku Xeeran?

Waxaa maalintii shalay shir Jaraa’id ku qabtay xarunta nabada iyo horumarinta ee Academiyada somaliland guddii hore ee loo magacaabay diwaan gelinta ururada iyada oo ay hore si cadaalad darro ah u reebeen ururada qaar soo baxay ayaa waxay mar kale shalay ku celiyeen inay iyagu xaq u leeyihiin inay kala reebaan todobada urur ee u tartanaya doorashada golayaasha deegaanka ee dhacaysa 28/11/2012 –ka ayaa waxay gudidu sheegeen inay hadaba qaar ka mid ah sii garanayaan inay hadhayaan arintan ayaa shacabka reer somaliland walaac ku abuurtay kadib markii ay gudidu ku qabsadeen shaqadii gudida komishanku lahaa iyada oo arintani ay tahay mid ugub ku ah somaliland iyada oo hore loo ogaa gudidii waqtigii 2003-kii markii ay soo kala shaan dheeyeen ururadii xilgaasi ay u daayeen kala reebidooda komishankii doorashooyinka ee xiligaasi oo ay halkaasi u dhamaatay waqtigoodii, balse gudidan uu madaxweyne siilaanyo magacaabay ayaa waxay dadka qaarkii u arkaan in si gaar ah loola balabay oo uu madaxweyne siilanyo doonayo markasta inay iyagu mudnaata ka leeyihiin komishanka doorashoooyinka oo iyagu dhex u ah ururada tartamaya balse waxay arintani farogelin qaawan ku tahay arimhii komishanka qaranku xaqa u lahaayeen , iyada oo la og yahay in gudidan diwaan gelintu uu iska magac caawayday siilaanyo oo uu doonao inay markasta cidii uu ralida ka yahay ama u guul wadaysa inay soo saaraan ,inkatsa oo dadka indha indheeya arimaha siyaasadu tilmaamayaan in jamhuuriyadan somaliland qandaraas lagu burburinayo lagu soo qaaday qandaraaskaasi oo uu hormood ka yahay siiilaanyo waayo ilaa xiligii uu madaxweynaha noqday siilaanyo ilaa maanta khilaafyada iyo iska horkeenka iyo cadaaladarada ayaa kor u kacay iyada oo hore beelaha qaar laga qadiyay saamigii ay xaqa u lahaayeen halka beelaha qaar la siiyaya sadbursiino farabadan, halka uu xumaaday xidhiidhkii u dhexeeyay somaliland iyo dawlada gaarku, halka masuuliyiinta dawlada ku jiraa la sheegay inay xidhiidh hoose la leeyihiin xukuumada ka jirta koonfurta somaliya iyada oo ay u jeedadu tahay sidii somaliland        ama dadka somaliland loo niyad jabin lahaa kadibna loogu biiri lahaa koonfurta somaliya , iyada oo xiligan ay siyaasiyiin mug ku dhex lahaa shacabka somaliland u yaaceen mugdisho kadib markii ay cadaaladaro kala kulmeen maamulka siilaanyo waxa kale oo shacabka reer somaliland walaac weyn ka haystaa sixir bararka ku dhacay baceeshada tan iyo markii uu siilanyo qabsaday talada dalka iyo dhalinyradaii dalka oo ka wada tahriiban dalka niyad jab ay ka qaadeen maamulka siilaanyo , hadaba su’aasha ay shacabku isweydiinayaan waxay tahay iyaa qabanaya gudidan waqtikoodii dhamaaday ee koomishanka qaranka shaqadoodii ku qabsaday siilaanyana raalida ka yahay, labadii golena ay ku milmeen xukuumada siilaanyo?

Qalinka : C/casiis Bashiir Nuur freelance journalist

Tel:4144434

Hargeysa/Somaliland