Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan- reebista oo soo bandhigay agab Cuntada Xaaraanka lagu kariyo oo ay soo qabteen

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa shalay soo bandhigay ololahooda wax-qabad ee ku aaddan la dagaalanka dadka xaaraanta kariya Bisha Baraykaysan Ramadaan.

Guddiga oo shalay xaruntooda ku soo bandhigay alaabo kala duwan oo ay ka soo ururiyeen dadka caadaystay karinta cuntada Xaaraanta ah, waxa munaasibadda kala soo qayb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Ibraahim Ismaacil Maxamed iyo Sheekh Ismaaciil (aw-Libaax), culimo-awdiin kale iyo dadweyne tiro badan, waxaana ugu horreyn halkaaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Wanaag-Farista iyo Xumaan-reebista Xaaji Ibraahim Cabdilaahi (Xaaji Dool) oo ugu horreyn u mahad-celiyay wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo hay’adaha Amniga isaga oo sheegay inay wada-shaqayn wanaagsani ka dhaxayso, isaga oo arrintan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Xukuumadda imika talada dalka haysaa muddadii ay jirtay waxa ay noo muujiyeen taageero aan la soo koobi karin iyo sida ay u jecel yihiin in lala dagaalamo wixii xumaan ah ee Diinteenna Suubban lidka ku ah, Booliskuna si ku meel gaadh ah ayey noola shaqeeyaan bisha Ramadaan, balse waxaan codsanaynaa in la noo sameeyo ciidan si toos ah noola shaqeeya, Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftuna si hagar la’aan ah oo hiil iyo hooba leh ayey noo garab istaagtay, shaqadan maaha mid u taala Guddiga wanaag-farista iyo Xumaan-reebista, balse waa shaqo u taala bulshada oo dhan, Xaaranta la karin jiray bishan Ramadan sidii bilihii hore way ka yaraatay, bilaha danbe ee Ramadaan-na, waxaan jecelahay in aan la karinba”.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista oo isna halkaas hadal kooban ka soo jeediyey ayaa yidhi, “Anaga oo kali ahi waxba ma qaban karno, balse waxaan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa Dadweynaha oo iyagu mar walba nala soo socodsiiya meelaha lagu karinayo Xaaranta, iyo meelaha xumaanta lagu sameeyo. Waxaan dadka u sheegayaa in ururku aanu Hargeysa oo kaliya ka furnayn ee uu gobollada oo dhan ka furan yahay kuwaas oo sidan oo kale u shaqaynayaa.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Ibraahim Ismaacil Maxamed, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Guddiga wanaag-farista iyo xumaan reebistu tahay Guddi u baahan in la taageero, waxay ka kooban yihiin odoyaal da’ ah waxaanan Alle uga baryayaa inuu ku taageero hawshaa adag ee ay dhabarka u riteen”.

Waxa iyana halkaas ka hadlay Madaxa hawl gelinta la dagaalanka xaaranta Cumar Xaashi Guunje, Xaaji Cabdiraxmaan Maxamuud, Sheekh Ismaaciil Cabdillaahi, Sheekh Ismaaciil (aw-Libaax iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan kuwaas oo dhammaantood carrabka ku dhuftay in guddigu u baahan yihiin taageero ka badan inta ay hadda ka helaan Shacabka iyo Dawladda isla markaana lagu garab-joogsan lahaa doorka ay kaga jiraan ololaha la-dagaalanta Xumaanta bulshada dhexdeeda ah.