Guddiga Somaliland u metelaysa wada-hadallada Soomaaliya oo maanta dalka ka baxay iyo Ajandaha ay la hortegayaan shirka oo Axadda Furmaya (Daawo)

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Somaliland u metelaysa wada-hadallada Somaliya, ayaa maanta u amba-baxay dalka Turkiga oo maalinta Axadda ee todobaadka soo socda uu ka furmi doono shirka wada-hadallada labada waddan oo markii hore lagu waday inuu furmo Khamiistii shalay oo dib-u-dhac ku yimi.

Guddiga Somaliland u metelaysa wada-hadallada, ayaa ka kooban, wasiirrada Arrimaha Dibadda, Xannaanada Xoolaha, Beeraha, Guddoomiye ku-xigeennada koowaad ee goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada iyo xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka.

HALKAN KA DAAWO