Guddiga Samaynta Waddada Dawga Cad ee Waqooyiga Hargeysa oo Dawladda ka Dalbaday Qalab uu La’aantii Dhismaha Jidku u Joogsanayo

Hargeysa, (SLpost)- Guddiga dadweynaha ee isku  xilqaamay samaynta jidka dawga Cad ee isku xidha gobolka Hargeysa iyo xeebta waqooyi, ayaa shaaca ka qaaday in hawshoodu istaagayso, kadib markii uu ka go’ay qayb ka mid ah qalabkii buuraha lagu bannaynayey.

Guddigu waxay sheegeen in samaynta dawga oo hadda socotay muddo bil iyo badh ah uu wejigiisii hore gebogabo ku dhaw yahay, balse qaybtii u dambaysay wejiga oo goob buuro adag ku taal ay ka go’een miinooyinkii lagu qarxinayey, taasina ay halis ku tahay inay joojiso shaqadii la waday, waxaannay dawladda ka dalbadeen inay siiso miinooyinkaasi loo baahan yahay.

Sidaasina waxay guddigu ka sheegeen kulan ballaadhan oo xalay huteelka Maansoor kula yeesheen dad isugu jira masuuliyin dawladda ka tirsan, xildhibaanno, salaadiin, ganacsato, aqoonyahan iyo haween, kaas oo ay ku soo bandhigeen filim ka turjumaya dhismaha jidka, isla markaana ay xog-waran la xidhiidha baahiyaha hortaagan hawshooda iyo qorshahooda wejiyada dambe ee dadaalkooda.

Guddoomiyaha Guddiga dadweynaha ee isku xilqaamay samaynta jidka dawga Cad Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo kulanka faahfaahin ka siiyey hawsha ay hayaan, ayaa sheegay in hawsha lagu samaynayo jidka dawga Cad oo qaybtiisa hore gebogabo ku dhawdahay ay la soo deristay caqabad farsamo, “Baahida u wayn ee manta na hortaagan waxa weeye miinnada, waxaannu ilaa saddex jeer codsanay in nala siiyo miinnooyin hawlgab ah ee aan la isticmaalayn in aannu ku qarxino dhagaxa buurta, waxaad moodaa in fandhaal naloo darayo, iyadoo shaqada aannu haynaa tahay tii dawladda. Waxa laga maarmaan ah in miinno la helo laba maalmod gudahood haddii klae shaqadu istaagaysaa,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Xaashi.

Waxa kale oo uu iftiimiyey baaxadda hawsha samaynta dawgu, waxaannu yidhi, “Kharashka hawsha ku baxaa aad buu u badan yahay, cagafta hawsha wadaa saacadii waxay qaadataa $50, toban saacadood haddii ay shaqeeyaan waa $1000 (kun dollar), mashiinka dhulka dalooliya wuxuu qaataa $120 doollar  maalintii, shaqaale badan baa joogga markaa lacag fara badan ayaa meesha ku socota, dadweynuhuna gacan weyn kamay gaysan. Qaybtii hore oo ah dawga Cad wuu dhammaaday waxa iminka la bilaabay qaybta dawga ee la yidhaa Camuud oo ah meesha ugu adag oo buur dhan la dhexmaryo.

Guddoomiyaha guddigu waxa uu sheegay in marka la dhammeeyo wejiga hore ee bannaynta iyo ballaadhinta dawga loo gudbi doono sidii jidka laami looga dhigi lahaa, si aannu dadaalkii la geliyey u baabi’in ee uu u noqdo mid dhammaystiran, isagoo xusay in nidaam lagu ilaaliyo dayactirkiisa la samayn doono. Waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda dawgaasi u leeyahay dalka dhinaca isu socodka labada dale e Somaliland iyo Jabuuti iyo weliba ka faa’iidaysiga khayraadka badda.

Axmed Cali Dable oo isna ka tirsan Guddiga oo kullanka ka hadlay, ayaa isaguna ta’kiidiyey caqabada miino la’aanta ee ka hortimi habsami u socodka hawsha samaynta jidka, isagoo sheegay in hay’adda Miino-saarka Qaranka oo hawshaasi kala shaqaynaysay ay ka dhammaadeen miinooyin hore loo siiyey.

Mr. Dable waxa ka sakow dhismaha dawga uu soo jeediyey in la saxo jidka ka baxa caasimadda Hargeysa ee taga dawga Cad oo magaalada u jira masaafo dhan 55km, kaas oo aan astaysnayn ee meelo badan waddooyin ka baxaan, isagoo xusay in arrintaas la iska kaashado dawladda hoose ee Hargeysa, “Wado keliya oo dawgii tagaysa oo magaalada ka baxdaa ma jirto ee way badan yihiin, sidaa daraadeed maadaama dawgii lacag badani gelayso waa in jidka la asteeyo. Markaad eegto 55km dhulka dadku leeyahay aad buu u yar yahay inta kale waa dhul Ilaahay oo way fududahay in jid toosan laga sameeyo.”

Guddoomiyaha Guddiga Cabdiqaadir Xaashi iyo Axmed Cali Dable waxay shacabka ugu baaqeen inay ka qaybqaataan samaynta jidkaasi oo ay jeebka gacanta geliyaan, iyagoo xasuusiyey qiimaha adduunyo iyo aakhiro ee arrintaasi leedahay.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey samaynta jidka dawga Cad oo uu ku tilmaamay waxqabad ballaadhan oo loo baahan yahay in laga midho-dhaliyo. Waxaannu ballanqaaday in ka dawlad ahaan ay diyaar la yihiin wax kasta oo ay awoodaan, isla markaana ay la baadigoobi doonaan baahida soo baxday ee miinooyinka.

Waxa kale oo hadallo tallooyin ah kulanka ka jeediyey Xildhibaan Bashiir Dukaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Daakhiliga Cabdillaahi Xuseen (Ballaaki), Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac iyo xubno kale, kuwaas oo soo jeediyey in aan laga caajisin dhammaystirka mashruuca samaynta Dawga Cad oo ay sheegeen inuu tusaale u noqon doono wax-wada qabsiga bulshada.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost