Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Soo bandhigay Barnaamijka Wax-qabadkii ay ku tallaabsadeen Sannadkii 2019

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa soo bandhigay Wax-qabadka iyo horumarka ay hay’ad ahaan ku tallaabsadeen Sannadkii tagay ee 2019-kii oo noqonaya sannadkii ay ugu wax-qabadka badnaayeen Guddigu.

Guddiga Qandaraasyada Qaranka, ayaa shaqadoodu tahay Naadinta Mashaariic kala duwan oo loo qabanayo hay’adaha Dowliga ah kuwaas oo Fulintooda si daah-furan loogu soo bandhigo Bulshada cid kasta oo ka qayb-qaadanaysa inay ku tartamaan fulinta Mashaariicda.

Haddaba, waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa Barnaamij laga diyaariyey Wax-qabadkii ay guddigu ku tallaabsatay Sannadkii tagay ee 2019-kii, kaas oo koobsanaya Soo-bandhigista Qandaraasyo ay shaaciyeen oo lagu tartamay, Kala Saarista shirkadaha ku tartamay iyo ugu dambayntii Wax-qabadka ugu muhiimsan ee Guddigu u suurto-galay sannadkii dhammaaday oo ah hirgelinta Dhisme Laba Dabaq ah oo Madaxweynaha Somaliland Xadhigga ka jaray Daba-yaaqadii Bishii October ee sannadkii 2019-kii.

Daawo Barnaamijka laga Diyaariyey Wax-qabadkii 2019 ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka