Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyey Magacyada Shirkadaha ku Guulaystay Lix Mashruuc oo loo Tartamay

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey Shirkado ku guulaystay tartanka loo galay Lix Mashruuc oo dhismeyaal u badan oo loo fulinayo hay’adaha Dowladda.

Qandaraasyada Mashaariicda oo Guddigu hore u shaacisay isla markaana ay ka qayb-qaateen una tartameen 77 shirkadood oo waddani ah oo Arbacadii todobaadkii hore tartankooda la daah-furay, maanta oo Axad ahna loo ballansanaa in go’aanka ugu dambeeya la shaaciyo, ayaa ah dhismeyaal loo hirgelinayo iyo dayac-tir lagu samaynayo Xarumaha hay’adaha Dowladda ee gobollada dalka.

Shirkadaha ku guulaystay Mashaariicda ay u tartameen, ayaa lagu shaaciyey Kulan ballaadhan oo ku qabsoomay Xarunta guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxaana kulanka ka qayb-galay Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta hay’adaha Dowladda ee Mashaariicda loo fulinayo.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Nuux Maxamed Xuseenhalkaas ka shaaciyey magacyada shirkadaha guulaystay iyo Shirkad waliba qandaraaska ay ku soo baxday, kuwaas oo tiradoodu tahay Lix Shirkadood.

Sida uu shaaciyey Guddoomiye Nuux Maxamed Saleebaan, Qandaraaska Dhismaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo tartankiisa isugu soo hadheen Shirkadaha Modern Enterprise, Netco Construction iyo Global Construction, waxa mashruucaas ku guulaysatay shirkadda Modern Enterprise.

Dhismaha Xarunta Madbacadda Qaranka oo ay isugu hadheen shirkadaha kala ah Heemaal Construction, Ileys Construction iyo Cawaale Construction, waxana uu guddoomiyuhu sheegay inay Qandaraaska ku guulaysatay shirkadda Heemaal Construction Company.

Faahfaahinta Warkan, masuuliyiinta iyo Shirkadaha ka Qayb-galay tartanka oo ka hadlay Madasha, kaga bogo Muuqaalka Hoose