Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyey Cidda Fulinaysa Toddoba Mashruuc oo loo tartamay iyo Gobollada laga Hirgelinayo

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey Shirkadaha ku guulaystay Todoba Mashruuc oo fulintooda loo tartamay, kuwaas oo ah mashaariic xukuumaddu ka hirgelinayso gobollada dalka.

Mashaariicda oo tiradoodu tahay Toddoba mashruuc oo qaybo ka mid ah gobollada dalka laga fulin doono, waxa inay tartankooda ka qayb-galayaan iyo dokumentiyada sharciga ah ee looga baahan yahay gudbiyey Guddiga 37 Shirkadood.

Tartanka Qandaraasyada iyo Shirkadaha ku guulaystay, ayaa lagu shaaciyey Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ay goob-joog Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Wakiillo ka socda shirkadaha iyo Masuuliyiin ka socda Hay’adaha Dowladda iyo deegaannada gobollada laga fulinayo Mashaariicda.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa faahfaahiyey qaabka loogu kala guulaystay Toddobada mashruuc iyo shirkadaha Fulinaya.

Toddobada Mashruuc oo dhammaantood xukuumaddu fulinayso, waxa ka mid ah Dhismaha Xarunta Dab-demiska ee Laascaanood, Dhismaha Guriga Martida ee Taleex, Dhismaha Madaarka Diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo, Laba Doonyood & Gaadiid oo loo doonayo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga iyo Tamaashiir loo doonayo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

somalilandpost@live.com