Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo lagu wareejiyey Naadinta Shirkadaha fulin kara Diiwaangelinta Muwaaddiniinta

gudoomiyha gudida qandaarsayda qaranka somaliland(1)Hargeysa (SLpost)- Guddiga farsamo ee diiwaangelinta Muwaaddiniinta Somaliland, ayaa Guddiga Qandaraasyada Qaranka ku wareejiyey Qoraal Dhukumenti ah oo ay ku idil yihiin Shuruudaha laga doonayo iyo qaabka loo doonayo Shirkadaha diiwaangelinta dalka ka samayn doona, waxaan samaynta iyo hirgelinta diiwaangelinta Somaliland ku tartamaya Shirkadaha caalamiga ah ee aqoonta u leh tiro-koobka madaniga ah ee la doonayo ee danaynaya inay u tartamaan.

Kulankaas lagu wareejiyey Dhukumanta ay Guddiga Farsamo iyo hoggaamineed ee diiwaangelinta Muwaaddiniinta Somaliland oo lagu qabtay Xafiiska Guddiga Qandaraasyada ayay Guddiga Farsamo ku wareejiyeen qorshaha iyo nidaamka lagu xulanayo Shirkadaha ay u baahan yihiin inay diiwaangelinta dalka ka hirgeliyaan, kaasoo ay goob-joog ka ahaayeen xubno Guddiga hoggaaminta ah ee diiwaangelinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdisamad Cumar Maal oo ah Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Diiwaangelinta Muwaaddiniinta, ayaa kulankaa ay qoraalka ku wareejiyeen hadal ka jeediyey, ayaa sheegay, ayaa sheegay inay u baahan yihiin Shirkado awood ahaan, dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaan hirgelin kara diiwaangelinta Muwaaddiniinta Somaliland oo uu sheegay inay u doonayaan in loo sameeyo qaab casri ah oo aan la been-abuuri karin, qofku aanu kaadhka aqoonsiga Muwaaddinta laba jeer qaadan karin, koobbiyeyn karin, waxna ku kordhin karin waxna ka beddeli karin.

Waxa uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha oo qorshaha ay dhammaystireen sharraxayaa yidhi; “Waxaannu halkan maanta ku wareejinaynaa qorshihii aannu wadnay ee ahaa inaannu hirgelinno diiwaangelinta Muwaaddiniinta, oo uu Guddigan Madaxweynuhu uu saddexdii bishii saddexaad Digrooto ku magacaabay oo ah Guddi Farsamo iyo Guddiga hoggaaminta ee Diiwaangelinta Qaranka, intii muddada ahayd ee aanu magacawnayn waxaannu ku hawlanayn qaabka diiwaangelinta loo fulinayo, sida loo fulinayo bilaw illaa dhammaad, waxay shaqaalaha ka hawlgalayaa noqonayaan iyo waxa qalab loo baahan yahay. Qalab maxaa loo baahan yahay, maxay u baahan yihiin ee agab kale ah ee gaadiid ah.”

“Wixii qalab loo baahnaa nidaamkiisii waannu soo dhammaynay. Waxaanannu diyaarinnay qoraalka nidaamka ee aannu qorsheheeda soo dhammaynay aannu ugu yeedho ciddii danaynaysa ee Shirkada awooddeedii, qalabkeedii, dhaqaaleheedii iyo aqoonteedii leh ee danaynayaa ay soo codsadaan, dhukumantigaas baannu Guddoomiye maanta kugu wareejinaynaa.”  Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdisamad Cumar Maal oo ah Guddoomiyaha Guddiga farsamo ee diiwaangelinta Muwaaddiniinta Somaliland. Waxaanu sheegay in sharciyan ay hadda Guddiga Qandaraasyadu la shaqaynayso, wejiga labaadna ay la shaqayn doontoo Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo shaqaalaha ay u baahan yihiin iyo qaabka loo qaadanayo kala shaqayn doonto iyo weliba Warbaahinta oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaadan doonto hirgelinta Diiwaangelinta Muwaaddiniinta.

Sidoo kale, waxaa isaguna kulankaas ka hadlay Maxamed Cabdi Daa’uud oo xubin ka ah Guddiga farsamo ee diiwaangelinta, ayaa sheegay inay hawsha ay muddada bisha ka soo shaqaynayeen masuuliyaddeeda koowaad ay leedahay Wasaaradda Daakhiligu, taasoo uu xusay inay Madaxweynaha Gurmad ka dalbatay, isaguna uu ka jawaabay. “Laakiin, Xukuumadda oo Madaxweynuhu hormuud u yahay ayay Gurmad ka dalbeen, Gurmadkiina Madaxweynuhu markiiba wuu ajiibay oo wuxu sameeyey Guddiga hoggaaminta oo illaa toddoba Wasiir ah iyo siddeed xubnood oo iyaguna ah Guddigii hawl-wadeennada ah. Markaa, muddadaa waxaannu la maqnayn waxay ahayd in waxay Wasaaraddu hayso, wixii Wasiirradu hayaan iyo wixii ay Guddigu hayeen in maskaxda meel la isugu geeyo oo ay wax ka soo baxaan, wixii ka soo baxayna Illaahay mahaddii waxay noqdeen wax aad loogu farxo.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Daa’uud.

Waxaanu intaa sii raaciyey; “Waxaynu la hadlaynaa caalamka oo dhan ciddii wax isla haysa, waxaynu doonaynaana waxa weeye waxa ugu wanaagsan innagoo ka faa’iidaysanayna jirrabaadihii hore innoo soo maray aanay dib wixii oo kale u dhicin oo ay wax dalka iyo dadkaba anfaca mustaqbalka oo raandhiis leh oo ay hadhaw Wasaaradda (arrimaha guduhu) maamusho inay meesha ka soo baxaan, waxaan la hadlayaana waa Shirkadaha aqoonta iyo takhakhuska u leh hawsha diiwaangelinta.”

“Markaa, waxa la doonayaa Shirkadaha hawshaas soo qaban jiray ama aqoon u lahaa ayaa la dalbanayaa, hawshii annagu waannu u sheegnay wixii la qabanayay, Qoraal ka kooban illaa 14 Bayj ayaannu ku wareejinnay Guddiga Qandaraasyada oo ay ku qoran tahay wixii laga hadlayey. Markaa, iyagu waxaa siday u fulinayaan iyo qiimaha ay ku fulinayaan, oo ay Guddiga Qandaraasyadu marka dambe ka xulan doonaan ciddii ku habboonaata, annagoo annaguna la joogi donna.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdi Daa’uud.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland Aadan Cabdilaahi Xasan ( Nuugaal), ayaa Dhukumentigaa kala wareegay Guddiga diiwaangelinta, isla markaana sheegay inay ku faraxsan yihiin hawsha lagu wareejiyey, waxaanu yidhi; “Annaga Guddi ahaan waxaa sharaf noo ah inay Guddiga farsamo ee diiwaangelinta Muwaaddiniinta loo xislaaray maanta  si rasmi ah noogu soo wareejiyeen Dhukumentiga qorshaha diiwaangelinta. Annagu Guddi ahaan waxaannu ka shaqayn doonnaa sida aannu hawshan maanta u baahinnay ayay ku socon doontaa, Dhukumentiga oo daabacan ciddii u baahan waannu siin doonnaa, taa macneheedu waxa weeye cidda ugu badan ee danayaysa inay tartankan ee awood ahaan gudan karta in waraaqaha la iska qaato maahee ay ka soo shaqayso oo ay nagu soo celiso.”

Guddomiyaha Guddiga Qandaraasyadu wuxu sheegay in wakhtigu xaddid-naan doono, isla markaana si dhakhso la doonayo in hawshaas loo hirgeliyo, waxaanu sheegay inay si cad oo caddaalad ah u maamuli doonaan tartanka ay Shirkadaha fulin kara hawsha diiwaangelinta Muwaaddiniinta, si aanay cabashooyin iyo in tayada loo baahan yahay ay lunto looga fogaado. Waxaanay Guddiga Farsamo ee diiwaangelintu sheegeen in si musuq iyo wax is-daba-marini aanay u iman lagu shaqayn doono qaab casri iyo qalab casri ah.

SOMALILANDPOST.NET