Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Daahfuray Saddex Mashruuc oo loo tartamayo iyo Cidda ku guulaysatay Mashruuc loo tartamay

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daahfuray Tartan loo geli doono Saddex mashruuc oo xukuumaddu ka fulinayso Gobollada Daad-madheedh iyo Maroodijeex.

Guddigu waxa kale oo ay maanta shaaciyeen Cidda ku guulaysatay fulinta Mashruuc loo tartamay oo walab iyo mishiinno loogu keenayo  Mad-bacadda Qaranka.

Kulan maanta ku qabsoomay xarunta guddiga qandaraasyada oo lagu shaaciyey mashaariicda loo tartamay, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha iyi Xubnaha guddiga Qandaraasyada, shirkadaha tartanka ka qayb-qaatay  iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda ee mashaariicda loo fuliyey.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, waxaanu halkaas ka sheegay cidda ku guulaysatay tartanka loo galay qalabka iyo Mishiinnada Madbacadda Qarabka. Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu sheegay tirada shirkadaha ka qayb-galay saddexda mashruuc ee ay tartankooda shaaciyeen maanta.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose