Guddiga Qandaraasyada oo Shaaciyey Shirkadaha ku Guulaystay Lix Mashruuc oo loo Tartamay

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka, ayaa maanta shaaciyey Magacyada Shirkadaha ku guulaystay Lix Mashruuc oo ay 15 Shirkadood ku tartameeyeen, kuwaas oo loo fulinayo Hay’adaha Dowladda.

Tartanka Mashaariicda oo Guddiga Qandaraasyadu Axaddii todobaadkan Daah-furtay, ayaa kala ah Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee gobolka Saraar, Dhismaha wasaaradda Ganacsiga looga dhisayo gobolka Awdal gaar ahaan deegaanka Abaaso, Raashin loo doonayo hay’adda U-diyaar-garowga Masiibooyinka iyo Qalab ICT ah oo loo doonayo Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

Kulan Guddigu ku shaacisay Shirkadaha ku guulaystay Mashaariicda oo gelinkii hore ee maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga, waxa ka qayb-galay Xubnaha Guddiga Qandaraasyada, Masuuliyiin ka socda hay’adaha Mashaariicda loo fulinayo iyo xubno metelayey shirkadaha ku tartamay Mashaariicda.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey magacyada shirkadaha guulaystay iyo mid waliba mashruuca ay ku guulaystay.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Warkan oo Faahfaahsan.