Guddiga Qandaraasyada oo shaaciyey Cidda fulinaysa Mashruuc loo tartamay oo Xukuumaddu ka hirgelinayso Gobolka Sool

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey Shirkadda ku guulaystay fulinta Mashruuc loo tartamay, kaas oo xukuumaddu ka fulinayso Gobolka Sool.

Mashruucan ayaa ah Dhismaha iyo Buuxinta Waddada isku xidha degmooyinka Xargaga iyo Kala-baydh ee Gobolka Sool.

Shaacinta Qandaraaskan iyo Shirkadda ku guulaysatay, ayaa lagu shaaciyey Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ay goob-joog Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Wakiillo ka socda shirkadda.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa faahfaahiyey qaabka loogu kala guulaystay mashruuc iyo shirkadda Fulinaysa.