Guddiga Qandaraasyada oo Shaacisay Shirkadda ku guulaysatay Dhismaha Hoolka Hay’adda Shaqaalaha Dowladda

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey Shirkadda ku guulaystay Dhismaha Hoolka hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo loo tartamay.

Natiijada Tartanka Qandaraaska iyo Shirkadda ku guulaystay, ayaa lagu shaaciyey Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ay goob-joog Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Wakiillo ka socda shirkadaha iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa faahfaahiyey qaabka ay u soo xuleen Shirkadda ku guulaysatay fulinta mashruucan.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose