Guddiga La-dagaalanka Sicir-bararka oo shaaciyey Go’aamada Wejiga 2aad ee Kor-qaadista Shilinka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddiga La-dagaalanka Sicir-bararka iyo Kor-u-qaadista Isticmaalka lacagta shilinka Somaliland, ayaa mar kale soo saaray go’aamo cusub oo wax lagaga qabanayo aafada sicir-bararka isla markaana lagu tayaynayo lacagta shilinka dalka.

Guddiga oo Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa sheegay in 18-ka bisha wixii ka dambeeya aanay jiri doonan lacagaha Isku-beddelka ee Telefoonada Gacanta adeegyada Zaad iyo E-dahab.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE.