Guddiga Joogtada ah ee Guurtida oo ka warbixiyey Wax-qabadkoodii muddadii uu Goluhu Fasaxa ku jiray

[H]argeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa Fadhigoodii maanta Warbixin ka dhegaystay Guddiga Joogtada ah ee Golaha maadaama Goluhu fasax ku jiray muddooyinkii ugu dambeeyey.

Fadhiga oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha She. Axmed Sheekh Nuux Furre, waxa ay Guddigu ka warbixiyeen wax-qabadkoodii muddadii goluhu fasaxa ku jiray.

Gudoomiyaha gudida joogtada ah ee golaha Guurtida Muxumud Aw Axmed ayaa golaha u sheegay in gudida joogtada ahi si caadi ah u waday hawshii golaha mudadii xildhibaanadu fasaxa kalfadhigii hore ku maqnaayeen, waqtigaasna ay si joogto ah uga war hayaan waxyaabaha wadanka ka socda.

Xoghayaha Gudida Joogtadda ah Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa ka warramay waxyaabahii ay ka hawlgaleen muddadii goluhu fasaxa ahaa, waxaanu dulmar ku sameeyey talaabooyinkii ay qaadeen oo ay ugu horaysay in la sameeyey jidwalkii shaqo ee kalfadhigii dhamaaday, sidoo kalena ay la kulmeen mas’uuliyiin qaran oo ay ka mid yahiin wasiirka wershadaha, ganacsiga iyo dalxiiska, wasiirka Arimaha Gudaha, Gudoomiyaha Baanka dhexe, Gudoomiyaha hay’ada Dhowrista tayada iyo Duqa Caasimadda hargaysa, Kormeerna ku tegay Cisbitaalka guud ee Hargaysa.

Fadhiga lagu dhegaystay warbixinta Guddiga ka dib, waxa gebo-gabadii xildhibaannada golaha loo qaybiyey Ajandaha kalfadhiga 47aad si ay u soo naaqishaan qodobadda kaabista iyo wax-ka-beddelka u baahan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net