Guddiga Iskaashatada NAFAQO oo Cambaareeyey Xeerka Hilibka, eedaynna u jeediyey Maamul Kawaanka Hilibka

Hargeysa, (SLpost)- Guddiga is-kaashatada hiliblayaasha ee Nafaqo ayaa cabasho ka muujiyey qodobbo ku jira xeerka hilibka wasaaradda xannaanada xooluhu dhawaan u gudbisay golaha wakiillada kaas oo ay ku sheegeen inuu meel duudsiyayo xuquuqdii Xirfaddooda, isla markaan cid gaar ah u danaynaya.

Xubno ka tirsan guddiga Is-kaashatada Nafaqo oo arrintan ka hadlaya ayaa sheegay duullaan lagu yahay mihnaddooda ka ganacsiga hilibka isla markaana ku dooday in xeerkani u danaynayo shirkadda Maandeeq ee maamusha kawaanka hilibka.

Axmed-naasir Maxamed Cabdilaahi oo ka tirsan guddiga is-kaashatada hiliblayaasha ee Nafaqo isla markaana ku hadlaya magaca guddiga iyo kan hiliblayaasha oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi, “Annaga oo ah iskaashada Nafaqo, waxaanu ka cabanaynaa arrin socotay muddo 6 sanno ah, oo cabashadayada iyo arrimahayaga ay dawladdu ogtahay, oo cid wax nooga qabata aanaan arag, marka laga yimaaddo Worshop dhawaan lanoo qabtay. Cabashadayada waxay ku qotontaa dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin in lacag dheeraad ah lanagu kordhiyo iyo in hawshayadii cid gaar ah u daba fadhiista la yidhaahdo, dawladda hadda sannad-jirsatay ilaa tii hore ee UDUB. In la xishooda oo  aan madaxda la dhaleeceeyo balse wixii nidaam ah laga hadlo waa waajib.”

Axmed oo ka hadlaya sababta cabashadooda ay wakhtigan ugu soo beegeen iyo cidda ay xaq-darrada ka tirsanayaan, waxa uu yidhi, “Waxa nagu kallifay wakhtigan inaanu arrintan ka hadalno iyada oo aanay jirin meel laga noqdo aan u aragno in duullaan lanagu yahay oo xirfaddayadii aanu ku shaqaysanaynay meesha laga saarayo, cid gaar ahna u daba-fadhiista la leeyahay. Waxaanu ka cabaynayaa tacaddigii ay nagu haysay shirkadda Maandeeq ee nagu haysata kawaankii aanu hore u lahayn, kaayagii horena iibsatay. Tallaabooyinka meesha lanagaga saarayo waxa ka mid ah buug ay soo saartay wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo kaashanaysa hay’adda FOA kaas oo sida aanu u aragno inay dabada ka riixayso ciddii markii horeba kawaanka nagu haysatay. Buuggan lagu sheegay xeerka hilibka waxa ku jira qodob lagu sheegay Jadwalka shanaad oo xuquuqdayadii meesha ka saaraya oo aan wax dan iyo muuqtoona noogu jirin, waxaanu xaq u lahayn in annaga lanaga tashado oo wax lanaga weydiiyo markii la diyaarinayay.”

Xubintan guddiga ka tirsani waxa uu sheegay in markii ugu horreysay muddo 6 sanno ah arrinkooda hoos loo eegey isaga oo u mahadceliyey Golaha Wakiillada oo sida uu sheegay xeerkaas dib ugu celiyey wasaaradda Xannaanada Xoolaha, “waxaanu halkan uga mahad celinaynaa golaha sharafta leh ee Wakiillada oo xeerkaas dib u celiyey, waxaana loo xilsaaray guddi isku dhafan oo maalintii aanu workshop-ka ku jirnay yidhi hala helo ciddii ay arrintani khusaysay. Xubno guddigayaga ka tirsan ayaa goobtaas ka dooday oo aragtiyada saxda ah ka dhiibtay, dabadeed waxa la yidhi hala qabto buuggan mid soconaya maaha oo dadka anafacaya. Iskaashato ahaan waa markii noogu horaysay ee sidan cidi wax noola qabato, ee fekerkayaga iyo rabitaankayaga la dhegaysto, waanan u mahad-naqaynaa nimankaas odayaasha ah. Sidaas awgeed, waxaanu  u soo jeedinaynaa madaxweynaha, golayaasha Baarlamaanka, wasiirrada iyo dhammaan ciddi danaynaysay daryeelka iyo kor-u soo qaadidda danyarta lagu tacaddiyayo ee maalin walba lagula kacayo waacanay qaadi karayn, oo aanu codsanaynaa in lays garab taago nimankaas umadda metela ee arrintayadii gacanta ku haya, ee arrinkayagii lixda sanno soo jiitamayey muddo saddex maalmood ah ku dhammeeyey, waana in wax laga qabto xeerkan aan dantayadu ku jirin ee ninka kali ahi isku koobay.”

Axmed waxa uu hadalkiisa ku daray, “Haddii aanu nahay Iskaashatada hilibka, nadaafad ma diidno, fayo-dhawr ma diidno, tallaagad ma diidno, mana jirto cid sariibadahayaga timaaddo oo wax naga weydiiya xaaladda caafimaad ee sarriibadaha. Balse waxay sheekadoodu ku kooban tahay oo kaliya Kawaanka, Dawladda Hoose iyo meelo aanan garanayn oo danta xirfaddayada aan waxba ka gelin, balse aanu annagu u aragno in duullaan lagu yahay shaqadayada.”

Siciid Xasan Aadan oo isna ka tirsan guddiga oo sababaynaya sida xeerkani duullaanka ugu yahay shaqadooda isla markaana ku eedeeyay maamulka shirkadda Maandeeq inay dabada ka riixayaan xeerkan. Isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxa jira buug ay wasaaradda xannaanada xooluhu soo saartay kaas oo qodobbo ku jiraa ay meel kaga dhacayaan xuquuqdayadii. Qodobka buugga ku yaalaa waxa uu sheegayaa in cid aan kaawaanka ka tirsanayn ama aan ruqsad ka haysani hilible noqon karin. Kaawaanku isagaa hilibleyn kara, cid mulkiilaha Kaawaanku soo koraystay ayaa hilibleyn karta. Markaa waxa meesha ka baxaya dadkii danyarta ahaa ee ka ganacsan jiray hilibka ee Sayladda intay tagaan oo lacagtooda qaataan xoolaha soo iibsanayay ee Kawaanku u soo qalayay xoolaha, dadkuna ay iska bixinayeen adeeggii kaawaanka oo qaabilsan nadaafadda hilibka iyo inay hilibka keenaan sariibadda. Kawaankii shaqadiisu taas ahayd ayaa immika xeerkan lagu soo ururiyey in kawaanku hilibleyn karo oo cid kalena aanay hilibleyn karin. Waxa la leeyahay noqda shaqaale ka tirsan kawaanka, Sidaas awgeed way noo cuntami weyday, annaga oo ah dad karaamo iyo sharaf leh inaanu cid u shaqayno oo aanu ka tagno inaanu dadkayagii xorta ahaa u shaqayno. Markaa waxaanu leenahay, hadday foolli timaaddo, gudo qarsiimo hadhaye, wax meesha noo yaala oo xeerkani dhigayaa ma jirto, waxaanu u adeegayaa cid gaar ah ayuu u adeegayaa. Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa Golaha Wakiillada ee iyagu gacanta ku haya xeerkan.”

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com