Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Shaaciyey qabsoomidda iyo diyaar-garowga Doorashada Goleyaasha Deegaanka

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost) – Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay xiligan u hawl-galayaan sidii ay u heli lahaayeen qaadhaankii deeqbixiyeyaasha Somaliland ka taageerad Doorashooyinka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda si ay u qabtaan doorashadii Goleyaasha deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto dabayaaqadda sanadkan.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay inay wadaan abaabulkii lagu qaban lahaa doorashada Goleyaasha deegaanka ka dib markii sida uu xusay ay Gudida diiwaan gelintu u soo gudbiyeen liiska lixda urur siyaasadeed ee ka soo gudbay marxaladdii kala shaandheynta 15-kii urur siyaasadeed ee is-diiwaageliyey, kuwaasi oo kala ah; Waddani, Dalsan, Rays, Xaqsoor, Umadda iyo Nasiye.

Md. Geelle wuxuu intaasi ku daray inay shalay kulan la yeesheen urruradda siyaasadda iyo sadexda xisbi qaran ee hore dalka uga jiray isla markaana ay ka wada hadleen qorshaha qabashadda doorashooyinka oo ay isku waafaqeen in doorashada lagu galo habka tooska ah oo murashaxiinta lagu kala dooranayo.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinku waxa kale oo uu sheegay inay u kicitimi doonaan dalka Kenya si ay qaadhaan bixiyeyaasha caalamiga ah ugala hadlaan dhaqaalihii ay ku kabi jireen doorashooyinka Somaliland.
Md. Maxamed Axmed Xirsi wuxuu ku dooday inay iyaga dhinacooda diyaar u ahaayeen qabashadda doorashada hase yeeshee ay muddo laba sano ku dhow ka dhursugayeen abuurista iyo kala shaan-dheynta ururadda siyaasadda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net