Guddiga Doorashooyinka oo Lixda Gobol Tabobar uga furay Shaqaalaha Ka hawl-galaya Doorashada Madaxtooyada

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta magaalo-madaxyada Lixda Gobol ee waaweyn tabobarro uga furay Shaqaalaha ka hawl-galaya Doorashada Madaxtooyada, kuwaas oo u badan ardayda jaamacadaha dalka.

Tabobarradan oo lagu qaadan doono qaabka ay shaqaaluhu uga hawl-galayaan xarumaha Codbixinta iyo Anshaxa looga baahan yahay, ayaa saaka ka furmay magaalooyinka Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Berbera, Hargeysa iyo Boorama.

HADDABA, WAXA AANU HALKAN IDINKU SOO URURINNAY MUUQAALLO KOOBSANAYA WARARKA LA XIDHIIDHA TABOBARRAN AY GUDDIGA DOORASHOOYINKA.

1. https://www.youtube.com/watch?v=RkJYMF72hms

2. https://www.youtube.com/watch?v=xfKPFGdKLoU

3. https://www.youtube.com/watch?v=-Rpq1GmW-AA

4. https://www.youtube.com/watch?v=TMQgA6jGPM4