Guddiga Doorashooyinka Masar oo tartanka Doorashada ka joojiyey 10 ka mid ah Murashaxiinta Loolamaysa

Qaahira, 15 April, 2012 (SLpost)- Guddiga Sare ee doorashooyinka dalka Masar ayaa  ka joojiyey Inay ka qayb galaan tartanka doorashada Madaxtinimada dalka Masar toban murashax oo ka mid ah saddex iyo labaatan murashax oo waraaqahooda murashaxnimada u gudbiyey  gudiga doorashooyinka.

Murashaxiinta laga joojiyey doorashada waxa ka mid ah Khayraat  Shaadiri oo Akhwaanuk-muslimiinku soo sharaxeen iyo Abu Ismaaciil, waxaana laalida murashaxnimadooda ay gudiga doorashooyinku ku sababaysay  iyaga oo buuxin waayey shuruudihii laga doonayey murashaxiintaasi.

Guddiga doorashooyinku waxa ay murashaxiinta ay  joojiyeen murashax-nimadooda ku sheegtay Bayaan ay soo saartay sabtidii, waxaana bayaankaasi Guddiga lagu sheegay in murashaxiinta la joojiyey murashaxnimadoodu ay xaq u leeyihiin inay qaraarka gudiga  ku duraan  laba maalmood gudahood.

Wakaalada wararka ee France press, ayaa waxa ay  ka soo xigatay  Mr. Daariq abul- cadaa oo  ah masuul ka tirsan guddiga doorashooyinka inuu sheegay, in murashax Cumar sulaymaan oo ahaa  madaxii sirdoonka ee maamulkii madaxweynihii hore Xusni mubaarik loo laalay murashaxnimadiisa isaga oo buuxin waayey  inuu  wakiilo ku yeesho shan iyo toban gobol  oo gobolada dalka ka mid ah sida uu dhigayo qaanuunku. Iyada oo murashaxa Khayrat shaadir isagana lagu sababeeyey  in gudigu aqbali weydo murashaxnimadiisa isaga oo  xidhnaa Bishii March ee 2011-kii , qaanuunka doorashooyinku uu ka sokeeyey xabsiga mudo lix sanadood ah laga soo  bilaabo  waqtiga xuquuqdiisii siyaasadeed dib loogu soo celiyey.

Waxa kale oo ka mid ah Ragga guddiga doorashooyinku ay diiday murashax-nimadiisa   Murashax abu ismaaciil ,kaasi oo isna diidmadiisa ay gudigu u cuskatay  iyada oo hooyadii ay  jinsiyad maraykan ah haysatay, qaanuunka doorashooyinka madaxtinimadana uu dhigayo in muerashaxa u tartamayaa uu dhalasha ahaan ka soo jeedo Laba waalid oo masriyiin ah.Guddiga doorashooyinka ayaa waxa ay soo geba gebaynaysaa qabashada  waraaqaha murashaxnimada doorashada madaxtinimada Maanta Duhirnimada,taasi oo aan la qaban doonin wax dalab murashax-nimo ah wixii ka danbeeya  waqtigaas.

SLpost News/Hargeysa