Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo bilaabaya Qiimaynta iyo Saamaynta ururrada Cusub ku leeyihiin Gobollada Dalka

Hargeysa, 11 February, 2012 (SLpost)- Gudoomiyaha Gudida diiwaangelinta iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Mudane C.risaaq Jaamac Cumar ayaa maanta sheegay in laba wefti oo ka tirsan gudidani ay maalinta berri ah socdaal shaqo ugu ambo bixi doonaan Gobolada Galbeedka iyo Bariga dalka.

Gudoomiyaha Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranku waxa uu ujeedada kormeerka labadan wefti ku sheegay inay qiimayn buuxda ku soo samayn doonaan sida ay ururadii is diiwaangeliyay ay xafiisyadoodii uga furteen gobolada iyo degmooyinka dalka waxaa kale oo uu gudoomiyuhu xusay inay u dhabo geli doonaan qaabka uu urur kastaa laamihiisa heer gobol iyo mid degmo u shaqaynayo.

Mudane C.risaaq Jaamac Cumar waxa uu ka dalbaday mas’uuliyiinta ururada siyaasada ee gobolada in laga helo xafiisyadooda mudada ay kormeerka ku jiraan si ay xog warano ula yeeshaan kuwaas oo dhamaantood ku xusan xeerka nidaamka furashada ururada siyaasada.

Socdaalkan ayaa noqonaya kii kowaad ee gudida diiwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranku ay ugu ambo baxaan gobolada dalka tan iyo intii loo magacaabay xilka iyo waajibaadka culus ee ay qarankan u hayaan.

Somaliland Post News

contact@somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland