Guddida Diiwaangelinta oo kala reebay Ururrada Siyaasadda iyo Lix Urur oo soo baxay

Guddida Diiwaangelinta

Hargeysa (SLpost)- Gudidda diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo  ansixinta axsaabta qaranka  ayaa maanta shaaca ka qaaday lixda urur siyaasadeed ee  ka soo gudbay kala shaandheyntii ururadda siyaasadda ee ka qeyb gali doona doorashadda Goleyaasha deegaanka.

Gudida diiwaan gelintu waxay  sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id  oo ay ku qabteen xaruntooda magaaladda Hageysa. Waxaanay  daboolka ka qaadeen inay doorashada Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ay ka qeyb gali doonaan sadexdii xisbi qaran ee hore iyo lix urur siyaasadeed oo  buuxiyay shuruudihii xeerarka doorashooyinku jidaynayeen.

Gudidu waxay sheegeen in lixda urur siyaasadeed ee soo baxay ay kala yihiin WADANI, DALSAN,RAYS, UMMADDA, NASIYE  iyo XAQSOOR.

Waxa kale oo ay Gudidu sheegeen inay dhaceen  oo ay shuruudihii buuxin waayeen sagaal urur siyaasadeed oo kala ah  NUUR,DAMAL,HORYAAL,NDP,BADBAADO, GURMAD, UDHIS, JAMHUURIGA iyo SSCD.

Guddoomiyaha Gudida diiwaan gelinta  ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka Md. C/Risaaq Cumar Jaamac (Ciyaale) oo ka hadlay shirkii jaraa’id ee ay ku shaaciyeen liiska ururadda soo baxay iyo kuwa hadhay  ayaa sheegay inay maanta u tahay dalka maalin taariikhi ah waxaanu bogaadiyay ururadda soo baxay.

Waxa kale oo uu ururadda siyaasadda ee hadhay u soo jeediyay inay  ku biiraan xisbiyadda iyo  lixda urur siyaasadeed ee soo baxay.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay  Afhayeenka Gudida diiwaan gelinta Md. Xasan Axmed Ducaale, waxaanu sheegay inay gudidu ka baaraan degtay go’aankan iyo natiijadda ay soo saareen isla markaana ay ururadda ku qiimeeyeen sidii ay uga soo baxeen shuruudihii laga doonayay.

Waxa shirkan jaraa’id goob joog ka ahaa  todobada xubnood ee Gudidda doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo isla maantaba loo gudbiyay liiska lixda urur iyo sadexda xisbi qaran ee ku tartami doona doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee dhawaan lagu wado inay ka qabsoonto dalka.

ammaanka xarunta Gudida diiwaan gelinta ayaa saaka aad loo adkeeyay waxaana la geeyay Boolis aad u badan oo sugayay nabadgelyadda xarunta.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net