Guddiga Diiwaan-gelinta oo ka jawaabceliyey Dacwad ka dhan ah Maayarka Berbera oo Xisbiga UCID u gubiyey (AKHRISO WARAAQDA GDU)

Guddida Diiwaangelinta
Guddida Diiwaangelinta
Guddida Diiwaangelinta

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, ayaa shalay qoraal ay kaga dalbadeen jawaab celinta dacwad xisbiga UCID ka gudbiyay u diray Maayarka Berbera Md. Cabdishakuur Maxamed Xasan iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf.
Sida lagu sheegay qoraal Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadu shalay soo saaray oo xafiiskooda ka soo baxday, waxa labadan xildhibaan loogu sheegayaa in dacwad laga gudbiyay, isla markaana laga doonayo inay jawaab ka soo celiyaan inay ka baxeen Xisbigooda Ucid iyo inay ku biireen Xisbul-xaakimka Kulmiye. “Guddiga Diiwaangelintu wuxuu idinka sugayaa jawaab celin inaad ka baxdeen UCID oo ku biirteen KULMIYE iyo inkale inaad soo kala cadaysaan,” ayaa ka mid ah qoraalka waraaqdan ka soo baxday Xafiiska Guddiga Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Picture 183