Guddiga Difaacista Suxufiyiinta Caalamka oo Ka Hadashay Xayiraadda HCTV iyo Xadhigga Wariye Codey

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Difaaca Suxufiiyinta Adduunka ee Committee to Protect Journalists ama CPJ ayaa ka hadlay Tallaabada Xukuumadda Somaliland ku xayirtay Telefiishanka HCTV iyo Xadhigga Tifaftirihii Tv-ga Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday).

Guddiga CJP ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay Telefiishanka HCTV u ogolaadaan inuu si xor ah u shaqeeyo isla-markaana ay si bilaa Shuruud ah u siidaayaan Tifaftirihiisa Mr. Cabdiqaadir Coday.

Booliska Caasimadda Hargeysa, ayaa subaxnimadii Shalay Cabdiqaadir Coday ku xidhay xarunta guud ee Ciidamada Dambi baadhista ee Magaalada Hargeysa, kaddib 7 maalmood oo Rumaan ah oo Maxkamadi ku ridday, iyadoo markii hore ee aan Maxkamadda la horgeyna lagu xidhay isla goobtan Suxufiga lagu tusay Warqadda sheegaysa eedda loo haysto iyo Xayiraadda Telefiishanka HCTV, sida uu CPJ u sheegay Cabdikariin Siciid Salaax oo bahda HCTV ka mid ah.

Cabdikariin waxa kale oo uu CPJ u sheegay inaan HCTV la siinin Nuqul ka mid ah Warqadda eedda, sidoo kalena aanay jirin Waaran Maxkamadeed oo Boolisku u soo qaatay Xadhigga Tifaftiraha Telefiishanka HCTV.

CPJ oo soo xiganaysa Cabdikariin Siciid Saalax ayaa sheegtay in Maxkamaddu diidday Xayiraadda HCTV, laakiin Go’aanka Maxkamaddu ku diiday Xayiraadda Xukuumadda ee HCTV ay Rafcaan ka qaadatay Xukuumaddu.

“Adeegsiga xadhig aan sabab lahayn iyo amarro xidhitaan si loo aamusiyo Saxaafadda, sidaasi uma adeegayso dadka reer Somaliland..” ayuu Wakiilka CPJ ee Dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya Muthoki Mumo, waxaanu intaa ku daray “Waxaan ugu baaqeynaa masuuliyiinta (Somaliland) inay si dhakhso ah u siidaayaan Cabdiqaadir Saleeban iyo inay u oggolaadaan Horn Cable TV inuu shaqeeyo iyadoon wax faragelin ah lagu sameynin..”

Qoraalka CJP ka soo saartay Xayiraadda HCTV iyo Xadhigga Cabdiqaadir Coday ayaa intaa ku daray in Boolisku ay Maxkamadda horteeda ka sheegeen in eedda loo haysto Tifaftiraha HCTV tahay War la xidhiidha Diyaarad ka cabatay amniga Garoonka diyaaradaha Hargeysa iyo Waraysi uu Telefiishanku la yeeshay Suldaan Waber oo hoggaamiya Jabhad.

Ugu dambayn, CPJ waxay sheegtay in xidhiidh dhinaca Telefoonka iyo Emailka ah oo ay la samaysay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Muuse Diiriye iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, si ay arrintan wax uga waydiiyaan aanay uga jawaabin Telefoonnada iyo Emaillada Hay’addu u dirtay midna.

 

Xigasho: HCTV