Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada oo maanta Warbixin Miisaaniyadda Qaranka 2012 Golaha Horkeenay

Hargeysa, 31 March, 2012 (SLpost)- Fadhigii maanta ee Golaha wakiillada JSL oo uu shir guddoominayey Gudoomiyaha golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa goluhu warbixin kaga dhegaystay Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada.

Xoghayaha  gudiga Dhaqaalaha ee Golaha wakiilada JSL, Xildhibaan Cali Xasan Maxamed  (Cali Mareexaan) oo warbixinta Gudida u jeediyay Golaha ayaa sheegay in Gudigoodu Muddo soo darsayeen Miisanayada Dawlada ee sanakan 2012

Xoghayaha Gudiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Md. Cali Xasan Maxamed  waxuu sheegay in Miisaaniyadda qaranku ka koobnayd  labo qaybood oo kala ah: Miisaaniyadda Hay;adaha Madaxa banana iyo Miisaaniyadda dawlada dhexe, taasoo ay wehelinaysay kabka Gobolada bari ee dhamayd boqalkiiba laba.

Xoghayuhu waxa uu xusay in Miisaaniyadda sanadkan oo dhan Sideed Boqol, Sideed iyo Toban Bilyan iyo Todoba Boqol labaatan iyo Sideed Milyan oo shilin Somaliland ah, waxa ay tahay Miisaaniyadii ugu badayd ee Somaliland loo sameeyo ama golaha la horkeeno tan iyo intii ay jirtay Somaliland.

Xoghayaha Gudida Dhaqaalaha ee golaha Wakiiladu Mudane Cali Mareexaan waxuu sheegay in Mas’uuliyiintii Hay’adaha dawlada ee kala duwanaa ee ay la kulmeen intii ay daraasadda wadeen isla markaana ay dhamaantood ballanqaadeen inay u guntan doonaan sidii Miisaaniyadan oo ah mid aad u badan looga dhabayn lahaa soo saaristeeda, waxa uu xoghayaha Gudida dhaqaaluhu u soo  jeediyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada inay ansixiyaan Miisaaniyadan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” ayaa fadhigii maanta xildhibaanada hortooda  ku hambalyeeyay agaasimaha maamulka ee Golaha Maxamuud Saleebaan Cumar oo halkaas ku soo bandhigay  Mareeg internetka ah oo goluhu yeelan doono, taasoo baahin doonta wararka iyo qorshayaasha Golaha wakiilada JSL.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net