Guddiga Covid-19 oo $800,000 kala wareegay Shirkadaha Dahabshiil Group

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Heer Qaran ee Xakamaynta Xannuunka Covid-19 ee Somaliland, ayaa maanta deeq gaadhaysa $800,000 kala wareegay Shirkadda Waddaniga ah ee DAHABSHIIL GROUP oo ugu talo-gashay inay kaga qayb-qaadato taakuleynta iyo gurmadka caabuqa Coronavirus.

Deeqda ay shirkaddu ku wareejisay guddiga, ayaa isugu jira Agabka caafimaadka ee lagula tacaalo cudurka Covid-19 oo qiimahiisu dhan yahay $600,000 iyo lacag kaash ah oo dhan $200,000 oo ay shirkaddu ugu talo-gashay taakuleynta Qoysaska uu xannuunku saameeyey.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose