Guddiga Cadaalladda oo Go’aan ka soo saartay Lacago Sharci-darro oo Dadka lagaga qaado Maxkamadaha

Hargaysa (SLpost)- Lacago sharci-darro ah oo Maxkamadaha lagaga qaadi-jiray gal-dacwadeedyada Madaniga ah, ayaa gebi ahaantooda laga mabnuucay in lagu qaadi xafiiska adeegyada sharci fuliya ee waaxda Garsoorka dalka, sida uu go’aameyey wareegto uu arrintan ka soo saaray guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ahna guddoomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland Dr Yuusuf Ismaaciil Cali.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodijeex Cabdirashiid Maxamed Durraan oo shaaciyey go’aanka ka soo baxay guddoomiyaha guddiga Cadaaladda, waxa uu tallaabadan ku sifeeyey mid lagu fulinayo ballaan-qaadka barnaamijka dib-u-eegista iyo tayaynta cadaaladda, taa beddelkeedana lagu kaabi doono barnaamij ay maaml-gelintiisa bixinayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta ee UNDP, kaas oo noqonaya barnaamij loogu magac-daray Xalinta Kiisaska (Case Management) oo laga hirgelinayo Maxkamadaha gobolka.

cadaaladdaGuddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, waxa uu tafaasiil ka bixiyey hirgelinta qorshahan iyo qaabka loo fulinayo, waxaanu yidhi, “Annaga oo ka duulayo barnaamijkii madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku balan qaaday in uu dib-u-habayn ku samaynayo xagga cadaaladda iyo gar-soorka, waxa immika in muddo ah la waday sidii looga midho dhalin lahaa hawshaasi oo wakhti dheer soo socotay, tababaro badan oo loo qabtay, anaga oo meelo badan taageero iyo gacan ka helayna. Waxa koow ka ah oo aanu maanta doonaynaa in aanu halkan ka sheegno, Barnaamij la yidhaahdo maamulka xalinta kiisaska (Case Management) in laga fuliyo maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex ee aan anigu masuulka ka ahay.”

“Markii la doonayey in mashruuca xalinta kiisaska   laga hirgeliyo maxkamadaha gobolka Maroodi jeex waxa ka hor yimid caqabado badan, wax kasta oo la is-yidhaahdo wanaajiya iyo wanaag kasta oo lagu talaabsanayo dhibaatooyin ayaa ka hor imanaya. Waxa ka mid ah waxyaabaha ka hor yimid Lacago dadka laga qaadi jiray, oo aan sharciga waafaqsanayn, haddii shacuur tahay iyo gaadhsiiyeyaashu lacag ay qaataan iyo haddii ay tahay   lacagta garaaca Araajida, taas oo ka dib ay dadwaynuhu cabashooyin fara badan had iyo jeer ta ay ka soo gudbiyaan ay tahay oo ay yidhaahdaan Lacagayow baa maxkamaddii nalagaga qaaday. Hadaba guddoomiyaha maxkamadda sare mudane Yuusuf Ismaaciil Cali, waxa uu arrintaasi ka soo saaray wareegto ku saabsan in marka maanta laga bilaabo la joojiyey lacagtii laga qaadi jiray khidmadda nuquladda xukunadda madaniga ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanta gobolka Maroodijeex.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Qofka wixii la doono la waydiinayaa ma jiro, fayl la gudbinayo oo lacag laga qaadayaa ma jiri doono, fayl la tirakoobayo oo lacag laga qaadi doonaa ma jiri doono. Waxa halkan (Maxkamadda) iman kara ciddii dacwad leh oo kaliya in ay timaado maalintii dacwadooda loo mudeeyay in cidaasi oo kaliya timaado maxkamada, taasina waa arin aad u mihiim ah, isla markaana Ha la joojiyo dhammaan wixii khidmadihii dheeraadka ahaa ee aan xeerka wafaqsanayn ee dadka laga qaadi jiray.”

SOMALILANDPOST.NET