Guddiga Cadaaladda Somaliland oo wax-ka-beddel, Magacaabis iyo Shaqo-ka-saaris ku sameeyey Qaar ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadaha Dalka

Hargeyga, 18 January, 2012 (SLpost)- Guddida cadaaladda Somaliland ayaa maanta shaaciyey Fulinta go’aamo ku aaddan wax ka beddel, magacaabis cusub iyo Shaqo ka saaris lagu sameeyey qaar ka mid ah garsoorayaasha madaxkamadaha dalka.

Go’aankan oo wax lagaga qabanayo isla markaana dib loogu habaynta cadaaladda iyo Garsoorka dalka oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Guddiga cadaaladda dalka isla markaana ah Wasiirka Cadaaladda Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa u dhignaa sidan:

“Wasaaradda Cadaaladda ee JSL, iyadoo cuskanaysa Qodobka 106aad ee Dastuurka Qaranka Farqadiisa 1aad, kaasoo qeexaya inay Wasaaradda Cadaaaladdu u xilsaaran tahay Fulinta Go’aanada Guddiga Cadaaladda.

Sidaa darteed, waxaanu Halkan ku faafinaynaa Go’aanka Lanbarkiisu yahay MS/GGC/G-3/10/2012 ee 10/01/2012.

WAXAY GO’AAMISAY.

QOD.1aad:  SHAQO KA-SAARID.

Waxaa Shaqadii Garsoorka laga saaray Garsoorahan hoos ku qoran:-

  1. Nuur Maxamed Ducaale, oo ahaa Garsoore Maxkamadda Degmada Boorame.

QODOBKA 2AAD:   BEDEL GARSOORE.

  1. Sh.Muuse Cukaashe Rayaale. Waxaa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Lughaya, waxaana loo bedelay Garsoore Maxkamada Degmada Boorame

QODOBKA 3AAD:   MAGACAABIS GARSOORAYAAL.

  1. Yaxye Cali Idiris, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
  2. Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Degmada Hargeysa.
  3. Mustafe Cabdi Cali Ducaale, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Racfaanka Saaxil.
  4. Maxamed Axmed Faarax, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Degmada Berbera.
  5. Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Gobolka Awdal.
  6. Sh.Axmed Daahir Bilaal, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Degmada Lughaya.
  7. Sh.Cali C/laahi Jaahuur, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Degmada Burco.
  8. Aadan Cali Xuseen, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Degmada Burco.
  9. Sh.Cabdi Xasan Cumar, waxaa loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Oodweyne.

10.Maxamed Xaaji Faarax Cabdi, waxaa loo Magacaabay  Garsoore  

      Maxkamada Degmada Caynaba.

11.Jaamac Maxamed Ibraahim Xaraare, waxaa loo  Magacaabay Garsoore

     Maxkamada Degmada Baligubadle

ALLAA  MAHAD LEH.

 (Xuseen Axmed Caydiid)

WASIIRKA W/CADAALADDA & GARSOORKA

 

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Hargeyga, 18 January, 2012 (SLpost)- Guddida cadaaladda Somaliland ayaa maanta shaaciyey Fulinta go’aamo ku aaddan wax ka beddel, magacaabis cusub iyo Shaqo ka saaris lagu sameeyey qaar ka mid ah garsoorayaasha madaxkamadaha dalka.

Go’aankan oo wax lagaga qabanayo isla markaana dib loogu habaynta cadaaladda iyo Garsoorka dalka oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Guddiga cadaaladda dalka isla markaana ah Wasiirka Cadaaladda Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa u dhignaa sidan:

 

“Wasaaradda Cadaaladda ee JSL, iyadoo cuskanaysa Qodobka 106aad ee Dastuurka Qaranka Farqadiisa 1aad, kaasoo qeexaya inay Wasaaradda Cadaaaladdu u xilsaaran tahay Fulinta Go’aanada Guddiga Cadaaladda.

Sidaa darteed, waxaanu Halkan ku faafinaynaa Go’aanka Lanbarkiisu yahay MS/GGC/G-3/10/2012 ee 10/01/2012.

 

WAXAY GO’AAMISAY.

QOD.1aad:  SHAQO KA-SAARID.

 

Waxaa Shaqadii Garsoorka laga saaray Garsoorahan hoos ku qoran:-

  1. Nuur Maxamed Ducaale, oo ahaa Garsoore Maxkamadda Degmada Boorame.

 

QODOBKA 2AAD:   BEDEL GARSOORE.

 

  1. Sh.Muuse Cukaashe Rayaale. Waxaa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Lughaya, waxaana loo bedelay Garsoore Maxkamada Degmada Boorame

 

QODOBKA 3AAD:   MAGACAABIS GARSOORAYAAL.

  1. Yaxye Cali Idiris, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa.

 

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Degmada Hargeysa.

 

  1. Mustafe Cabdi Cali Ducaale, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Racfaanka Saaxil.

 

  1. Maxamed Axmed Faarax, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Degmada Berbera.

 

  1. Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Gobolka Awdal.

 

  1. Sh.Axmed Daahir Bilaal, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Degmada Lughaya.

 

  1. Sh.Cali C/laahi Jaahuur, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Degmada Burco.

 

  1. Aadan Cali Xuseen, waxaa loo Magacaabay Garsoore Maxkamada Degmada Burco.

 

  1. Sh.Cabdi Xasan Cumar, waxaa loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Oodweyne.

 

10.Maxamed Xaaji Faarax Cabdi, waxaa loo Magacaabay  Garsoore  

      Maxkamada Degmada Caynaba.

 

11.Jaamac Maxamed Ibraahim Xaraare, waxaa loo  Magacaabay Garsoore

     Maxkamada Degmada Baligubadle

 

ALLAA          MAHAD            LEH.

 

 

(Xuseen Axmed Caydiid)

WASIIRKA W/CADAALADDA & GARSOORKA.