Muj: Cali Gurey Oo Xukuumada Kulmiye Ugu Bushaareeyey In Ay Martay Dhabdii Ay Udub Ku Guul Daraysatay

 Hargeysa (SLpost) – Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka san-qadhiyey in Xisbul Xaakimka Kulmiye iyo Xukuumadda ka dhalatey ee Madaxwayne Siilaanyo-ba inay mareen Dhabadii ay ku guuldaraysteen Xisbigii UDUB iyo Maamulkii Daahir Rayaale, kaas oo tilmaamay inay dhaqamo badan iska shabahaan.

Muj. Cali Guray waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Haatuf, isaga oo ku sugan Hargeysa, ayaa waxa uu sharci jabin ku eedeeyey Wasiiradda iyo Badhasaabada sida badheedhka ah uga qaybqaadanaya wakhtigan Ololaha doorashadda deegaanka ee Xisbiga Kulmiye u Kaambayngaraynaya, kaas oo tibaaxay in marka xukuumad shaqaynaysa ay guuldaro ku soo socoto in astaamaha lagu gartaa ay tahay iyada oo Wasiiradeeda iyo Badhasaabadeedu ololaha ka qaybqaataan, kuna dooday in UDUB halkii laga raacay ay ahayd ka dib markii ay isku milmeen xukuumadii iyo Xisbigii, taasina ay keentey in guuldaro ay ka soo waaqsan waayaan ay kala kulmaan doorashadii Madaxtooyadda ee ugu danbaysay.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf ayaa difaacay Wasiirka Khaarajiga Somaliya Marwo Foosiya Yuusuf X. Aadan oo sheegay inay wax la qabto Masuuliyiin badan oo reer Somaliland ah oo Xilal kala duwan ka qabtey dawladihii Somalia u kala danbeeyey, kuna dooday inay Foosiya hadii ay ka dagto xilkaas loo magacaabay ay la mid noqon doonto Siyaasi Sifir oo ay Hargeysa-na iman karto. Ugu horayn Muj. Cali Guray isaga ka hadlaya waxa uu Distuurka dalku ka qabo in Masuuliyiinta xukuumadu ay ololaha ka qaybqaataan, waxa uu yidhi “Distuurka iyo Xeerarka dalku waxay dhigayaan inaan lagu ololayn Hantida oo inta Cashuurta dadka muwaadiniinta ahi ay bixiyaan in lagu ololeeyo ama si khaldan loo isticmaalo Distuurka Qaranku ma ogola, Xeerka Anshaxa ee aanu wada saxeexnay waxa uu dhigayaa inaan la isticmaali Karin Hanti ummadda oo dhami wada leedahay. Xisbiga Kulmiye hadii uu isticmaalay Hantidii ummaddana iyaga iyo alahooda waanu Cambaaraynaa, isla markaana waxa aanu arintaas kala hadli doonaa guddida anshaxa ee aanu Xeerka wada saxeexnay ayaanu eegaynaa waxa ay ka warhayaan ee ay arintaas kala socdaan”.

S: Maalintii ugu horaysay ololaha doorashadda deegeenka ee Xisbiga Kulmiye waxa Masraxyada dalka si wayn uga wada dhexmuuqday Masuuliyiin iyo Wasiiro badan oo xukuumadda Siilaanyo ka tirsan oo Xisbul Xaakimka Kulmiye-ka si wayn ugu ololaynayey, arintaas sideed u aragtaa amase sharcigu muxuu ka qabaa?

J: Wasiiradu xilbay ummadda u hayaan, hawshooda koowaadna ugu waynina waa Xilka ay bulshada u hayaan iyo xataa sacadaha shaqada uu Wasiirku ummadda u hayo oo ah laftoodu hanti qaran, isla markaana inuu si gaar ah u adeegsado oo uu wakhtigaa ku lumiyo olole xisbi waa khalad oo kolay waa khaladaad horena dalka uga dhici jiray oo wax iska badalay sidii wakhtigii UDUB taladda dalka haysay oo qoladanina waa la mid. Mida kale talaabooyinkan xisbiga Kulmiye qaadayo wakhtigan anagu waanu ka gaashaamanaynaa oo tabahayaga iyo sida aanu uga gaashaamanayno waxay dadka u sheegayaan ayaanu garanaynaa oo dadka laftoodu noo sheegeen oo waxa aanu u baratamaynaa waa ummadda, isla markaana dadku maaha badeecad tukaan taala oo ay soo iibsanayaan oo dadkeenu waa dad damiir leh oo cid walba inta ay u jirto garanay, laakiin qofku marka uu masuul yahay ee waliba Madaxwaynuhu qoray wareegto uu leeyahay gaadiidka iyo hantida Qaranka ololaha looma isticmaali karo hadana aad i leedahay isagiibaa Kulmiye Madaxwaynuhu lacag siinaya hadii ay jirto waa arin khalad ah.

S: Sida aynu la wada socono waxa la galay wajigii 2-aad ee Ololaha doorashada deegaanka, doorashada lafteediina waxyar ayaa ka hadhsan, markaa ma aqbali doontaan doorashadda hadii Xisbiga aad ka tirsan tahay ee UCID uu ka hadho saddexda Xisbi ee ugu danbeeya?

J: Maxaanu u tartamaynaa hadii aanaan aqbalaynin? Arintaas hore ayaanu u cadaynay anagu oo waxaanu nidhi waa in doorashadda deegaanka Xisbiga soo baxaana uu Cadaalad ku soo baxo ka hadhaana Cadaalad ku hadho, taasayna danta ummadani ku jirtaa, mida kale anaga UCID ahaan rajadayada doorashadu waa 100%.

S: Miyaanay kuu muuqanin in Xisbul Xaakimka Kulmiye uu idinka Jaanis badan yahay, markaad eegto Madaxda Qaranka oo Ololaha si wayn uga dhexmuuqata ama Badhasaabada gobolada oo sida ka Saaxil Mr Ramaax oo kale sheegay in Sharcigu u ogolyahay inay Xisbigooda Taageeraan?

J: Waar kanyar ee Saaxil haystaa waa midyar oo wax alaala wuxuu ogyahay aanay jirinba oo aan siyaasadna garanaynin, isla markaana kursiga uu ku fadhiyo iyo xilkiisu waxa uu yahay xataa aan fahansanayn oo isleh buur baad tahay buur ku tiirsan, markaa anigu kaas oo kale ma tixraaco hadalkiisa. Hadii aad doonaysa inaad garatid waxa lagu garto dawladu marka ay dhacayso Wasiiradeeda ayaa Kaambaynka loo diraa oo doorashadii ugu danbaysya UDUB waxa loogu taag waayey waar Wasiirada ka daaya Ololaha oo Xisbigu ha Kaambayngareeyo, wixii ku dhacay iyo Kulmiye halkuu kaga tagayna waadigii ogaa. Wasiiradu way uga daraan ololaha cida ay u daraan ee waxba uma taraan, Badhasaab kaa Saaxil oo kale ahina wax uu taraa ma jirto.

S: Wakhtigan markaad eegto sida wax u socdaan iyo qaabka Axsaabta Siyaasadu u dhisan tahay ee ay isku Gaashaan-buuraysteen, isla markaana aad aragto Cali Warancade Oo Wadani ku biiray iyo adiga oo Jamaal Cali Xuseen la dhisaya Xisbiga UCID miyaan la odhankarin Qabyaaladii yar asturnayd ayaad Qaawiseen oo qaab qabiil ayaa la isku xulufaysanayaa?

J: Lama odhankaro waa Qabyaalad oo C/raxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe iyaga ayaa iska kay xiga hadaad xaga qabyaalada ka eegayso, hadii aan anigu tagay UCID isla markaana Cali Warancade-na uu tagay Wadani qabyaalad maaha oo Qabyaalad waxa ahayd tii Jamaal Cali Xuseen la isku hortaagay Murashaxnimadiisa ama lagu taageersanaa markii UDUB la joogay. Xisbiga UDUB-na anagu waanu garanaynaa cida burburisay oo waxaanu garanaynaa cida laga dilayey oo waxaanu garanaynaa sababta loo burburiyey, isla markaana waxaanu garanaynaa sababta loo baabiiyey laakiin ma jecli inaan mawduucaas ka hadlay oo waxaan aad uga xumahay in ragii iyagu gacantooda ku burburiyey UDUB ay yidhaahdaan xukuumadda burburisay, taasina marqudha ayuun bay sax noqonkaraysaa oo hadii ay leeyihiin qandaraaska anagaa qaadanay lagu burburinayo Xisbigaas oo xukuumadda na siisay waa sax, laakiin xaqiiqdu waxay tahay xukuumadu may burburin ee hogaankiisii ayaa burburiyey UDUB oo ay kaw ka yihiin Madaxwaynihii iyo Madaxwayne ku xigeenkiisii.

S: Xilka Wasiirka Khaarajiga Somaliya ee dhawaan loo magacaabay Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabile oo ka mid ahayd Madaxdii Ururadii Siyaasada ee kala saaridii guddida diwaangalinta ku hadhay sidaad u aragtaa, miyaanayse Qaran-nimada Somaliland ku noqonayn dhabar jab?

J: Foosiya horteed Maxamed C/laahi Oomaar Cawaale ayaa ahaa Wasiirka Khaarajiga Somalia oo Maxamed Buubaa ayaa ka ahaa oo Sifir ayaa ahaa oo dhamaantood wada reer Somaliland ah, ilaa iyo 1991-kiina inta qof ee halkan ka tagtey ee Somalia tagtaa way badan yihiin oo wax dambiile qaran la yidhaahdo oo lagu xukumayna ma jirto, isla markaana mid dambena lagu xukumi maayo oo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabile -na hadii ay xilka ka tagtona Hargeysa ayey imankartaa oo sidan uu Sifir u joogo ayuun bay iyaduna u joogi doontaa oo cid lama hadli karto, markaa hadii ragaas aan sheegnay oo dhamiba ay sidaas wada yeeleen oo mid Somaliland wax yeelayna aanu jirin. Markaa anigu guud ahaan waan ka soo horjeedaa inantaas ka sheekaynteeda iyo hadalhaynteeda, waxaanan jecalahay in la ixtiraamo oo halkaas ay tagtayna lagu ixtiraamo.

Xigasho: Haatuf

Somalilandpost.net