Guddida Wershadda Sibidhka Berbera Oo Beeniyay Hadal Hore Uga Soo Yeedhay Salaadiinta Subeer-Awal

Berbera (SLpost) – Guddida Wershada Sibidhka Berbera (Berbera Cement Factory), ayaa beeniyey inay diideen dhexdhexaadin qaar ka mid ah Salaadiinta Subeer-Awal sheegeen inay ka dhex bilaabeen shirkada Dahabshiil.

War-saxaafadeed ay ku saxeexanaayeen xubnaha guddida wershada sibidhka Berbera oo maanta soo gaadhay SomalilandPost, ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax dhexdhexaadin ah oo guddida Berbera Cement Factory diideen, balse waxay tilmaameen inay la kulmeen Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal iyo ganacsade Ina Aw Siciid oo ay sheegeen inay u soo bandhigeen hindise la xidhiidha saami qaybsiga wershaddaasi.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan:- “Anagoo ah Guddida shirkadda Berbera Cement Factory, waxaanu halkan ku beeninaynaa in aanay waxba ka jirin eedaynta ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah Salaadiinta beesha Subeer  Awal shirkadda Berbera Cement Factory, taas oo ay ku sheegeen in shirkadsu diideen dhexdhexaadin ay ka dhex wadeen labada shirkadood ee Berbera Cement Factory iyo Dahabshiil.

  1. Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanay jirin wax kalsooniya oo aanu siinay Salaadiinta Magacyadoodu ku soo baxeen warbaahinta dalka.
  2. In aanay jirin meel labada shirkadood ee Berbera Cement Factory iyo Dahabshiil ay salaadiintu isugu keeneen oo ay ku dhexdhexaadiyeen.
  3. In aanay jirin meel shirkada Berbera Cement Factory wax ku diiday Dahabshiilna ku ogolaatay.

Haddaanu u soo daadegno arinta ay ka hadleen Salaadiintu, waxa jirtay inuu noo yimid Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi iyo ganacsade Maxamed Aw Siciid, naguna yidhaahdeen warshadii aynu u qaybsano sidan: Dahabshiil 20%, Carabka 30%, Habar Awal 50%, waxaanu ugu jawaabnay in aanu anagu shirkad nahay, warshaduna ay Somaliland oo shan u dhaxayso isla-markaana aanay ahayn wax beeli wada qaadan karto ama ay qaybin karto.

Waxaanu u aragnaa arinkaasi inuu yahay xaalad abuur iyo fitmo kicin, mana aha arin u taala Salaadiin iyp reer toona ee waa arin u taala dawlada iyo ganacsatada.

Waxaan la yaabanahay sababta Salaadiinta ku kaliftay in bil Ramadaan oo ah bil cibaado inay umadda jaha wareeriyaan oo ay bilaabaan hadal iyo khilaaf hor leh, been abuurna ay sameeyaan.

Waxaanu u sheegaynaa umadda reer Somaliland inaanu diyaar u nahay in la sameeyo hal wershad oo ganacsatada Somaliland oo dhami ay ku bahowdo, waxa kale oo aanu u sheegaynaa in labada shirkadood ee Berbera Cement Factory iyo Dahabshiil Group uu wada hadal u socday suurto-galna ay ahayd inay heshiiyaan.

Magacyada Guddida Soo Saartay War-saxaafadeedka:

  1. Maxamed Cabdilaahi Mire.
  2. Maxamed Cabdi Kooshin.
  3. Muuse Xirsi Abokor.
  4. Cismaan Cabdi Cigge.
  5. Axmed Yuusuf Maxamed.
  6. Faysal Cartan Cismaan.
  7. Cabdilaahi Xirsi Odowaa.
  8. Mahdi Cismaan Xasan.
  9. Maxamed Cali Saleebaan.
  10. Siciid Qowrax Maydhane.
  11. Xuseen Cumar Muuse.
  12. Jaamac Rooble Xirsi.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net