Guddida Wanaag-farista oo baaqyo u jeediyey xukuumadda iyo dhinacyada Doorashada

Hargeysa (SLpost)- Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland, ayaa xukuumadda, xisbiyada iyo guddida doorashooyinka u soo jeediyey baaq ku wejehan doorashada iyo nidaamkeeda qabsoomidda.

Guddida oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa, isla markaana ay goob-joog ka wada ahaayeen xubnaha joogtada ah ee gudidaas ayaa waxaa ujeedada shir jaraa’idka iyo baaqa ka soo baxaya ka soo jeediyey gudoomiyaha gudiga wanaag farista Maxamed Xaaji maxamuud waxana uu sheegay in gudida wanaagfarista iyo xumaan reebista ee Somaliland ay heer qaran iyo heer gobolba kaga hawlan yihiin kaalintooda kaga aaddan sidii ay doorashooyinka golayaasha deegaanku ugu qabsoomi lahaayeen si xaq iyo cadaalad ah ciddii ku guulaysatana lagu hambalyeynayo.

Gudoomiyuhu waxuu shacabka Somaliland u jeediey in amniga la ilaashado  wakhtigan ay socdaan ololayaasha doorashooyinka degaanka isla markaana ay dhow dahay maalintii loo dareeri lahaa codbixinta.

Shir jaraa’idkan oo ay gudidu si wada jir ah shacabka Somaliland ugu soo jeediyeen inay iska ilaaliyaan waxyaabaha aan shareecadu u ogolayn sida is dhex galka raga iyo Dumarka ayaa dhankakale waxuu gudoomiyahu ka akhriyey afar qodob oo dardaaran u ah dhinacyada ku hawlan qabsoomidda iyo ka qaybgalka doorashooyinka golayaasha deegaanka.

1. Qodobka koobaad ayaa Gudida wanaag faristu waxay u soo jeediyeen Gudida doorashooyinka qaranka inay ku taagnaadaan dariiqoodii caddaalada, dhaarkana u dhigtaan culayskaay hawshaasi leedahay.

2. Qodobka labaad ayaa gudida wanaag faristu waxay ku wargeliyeen dhinacyada tartanku ka dhexeeyo inay u hogaansanaadaan natiijada kama dambaysta ah.

3.  Dhinaca xukuumadda ayaa gudida wanaag faristu waxay u soo jeediyaan inay sii waddo culays dheeraadana saarto gudashada  waajibaadkeeda dhinaca amniga. Dadweynuhuna ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada amniga.

4.  Dhaman dhincyada ay doorashadu saamaynta ku leedahay ayaa laga codsaday inay u hogaansanaadaan awaamiirta ciidamada amniga iyo baaqyada gudiyada kala duwan ee doorashada.